Accessibility links

Breaking News

Mareykanka iyo Cuba oo dib u billaabay wada-hadallada socdaalka


Faalladan waxa ay ka tarjumeysaa aragtida dowladda Mareykanka

Muddo afar sano ah, ayay marki ugu horreysay Mareykanka iyo Cuba magaalada Washington ku yeesheen wadahadallo ay diiradda ku saareen socdaalka iyo dhameystirka heshiisyadi socdaalka ee labada waddan.

Kulamada nuucaan oo kale ah ay Mareykanka iyo Cuba yeelan jireen sannadkiiba mar, kii ugu horreeyay heshiisyo taxane ah ayay labada dhinac kala saxiixdeen sannadki 1984. Kulamada ayaa la joojiyay kaddib marki howligi socdaalka Mareykanka ee safaaradda magaalada Havana ay xagal-caadiyeen dhacdooyin la xiriira cudurro soo food saaray qaar ka mid ah shaqaalaha safaaradda.

Bashir April 21-keedii, Ku-xigeenka Xoghayaha Arrimaha dalalka ku yaalla Cirifka Galbeed Emily Mendrala ayaa hogaamisay wafdiga Mareykanka, halka ergada Cuba uu horboodayay Wasiir ku xigeenka dalkaasi Carlos Fernandez de Cossio.

Bayaan qoray oo kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykana ayaa lagu yiri, "Wefdiga Maraykanku waxay iftiimiyeen dhinacyada iskaashiga guusha leh ee socdaalka, iyagoo sidoo kale tilmaamaya arrimaha caqabadda ku ahaa fulinta ujeedooyinka heshiisyada."

Bilihi dhawaa waxaa aad sare ugu kacay tirada muhaajiriinta ka imaneysa Cuba ee soo galeysa Mareykanka, kuwaas oo adeegsanaya marinadda badda iyo barriga. Dhowr sababood ayaa ku qasbaya dadka in ay kasoo hayaamaan Cuba, kuwaas oo ay ka mid yihiin ixtiraam la’aanta xuquuqda aadanaha iyo xorriyadaha aas-aasiga ah, amniga muwaadinka, iyo fursad yarida dhaqaalaha.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Ned Price ayaa sheegay in dib u bilaabashada wadahadallada socdaalka ee u dhexeeya Mareykanka iyo Cuba ay siisay "fursad wadahadallo muhiim ah oo ku saabsan u hoggaansanaanta heshiisyada socdaalka iyo ka go'naanta Mareykanka iyo Cuba in la helo soo galooti si nabad, nidaam iyo sharci ku socda."

Mawduucyada laga wada hadlay waxaa ka mid ah u hoggaansanaanta sharciga socdaalka ee Mareykanka, socdaalka berriga iyo badda, isbeddellada socdaalka, dib u celinta muwaadiniinta, iyo howlaha safaaradda.

Waaxda Arrimaha Dibadda ayaa sheegtay in wada-xaajoodku uu qeyb ka ahaa adeegyada qunsuliyada ee safaaradda Mareykanka ee Havana sida "dib u bilaabista adeegyada fiisaha muhaajiriinta si xaddidan laga bilaabo May, adeegyada hadda jira ee muwaadiniinta Mareykanka, iyo bixinta fiisaha degdegga ah ee aan muhaajiriinta ahayn."

“Helitaanka muhaajiriin ama soogalooti ku yimaada nabad, nidaam iyo sharci oo dhexmara Cuba iyo Mareykanka ayaa wali ah danaha wadaagga ah ee u dhaxeeya Mareykanka iyo Cuba,” ayay tiri Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka.

Waaxda ayaa sidoo kale sheegtay in “Mareykanka wuxuu si joogta ah isaga oo eegaya danihiisa u kobcinaya dib u mideynta qoysaska isaga oo tixgelinaya horumarinta ixtiraamka xuquuqda aadanaha iyo xuquuqdaha aasaasiga ah ee xorriyadda Cuba.”

XS
SM
MD
LG