Accessibility links

Breaking News

Argagixiye ka tirsan Daacish oo cadaaladda wajahay


ISIS داعش
ISIS داعش

Faalladani waxay ka tarjameysaa aragtida Dowladda Mareykanka

Argagixiye dhiigyo-cab oo ka tirsan kooxda ISIS ayaa bishii April caddaaladda la marsiiyay, kaddib marki lagu helay danbi ah inuu ka qeyb-qaatay ficillo bahalnimo ah oo ay ka mid yihiin, rabshado, afduub, jir-dil iyo dil loo geystay shaqaalo gargaar iyo saxafiyiin Mareykan aha aiyo sidoo kale dilka muwaadiniin u dhashay Britain iyo Japan oo lagu dilay Suuriya.

Xeerbeegti heer federal ah oo ku sugnaa gobolka Virginia ayaa danbi ku helay El Shafee Elsheikh oo ah muwaadin hore oo British ah, kaddib marki uu dowr ka ciyaaray afduubki loo heystay in ka badan 20 qof inti lagu guda jiray xakunkii kooxda argagixisada Dacish ee sannadihi 2012 iyo 2015. Afduubkaasi ayaa natiijadiisu noqotay gowrac lagu sameeyay saddex saxafi oo Mareykan ahaa oo kala ahaa –James Foley iyo Steven Sotloff, Peter Kassig oo u shaqeynayay hey’ad gargaar– iyo hal dumar ah oo iyaduna shaqaale gargaar aheyd oo lagu magacaabi jiray Kayla Mueller.

Saddexda nin ayaa qoorta laga gooyay, waxaana dilkooda laga duubay muuqaallo loo adeegsaday borobogaando. Kayla Mueller ayaa lagu qasbay in ay gasho adoonsi galmo waxaana marar badan kufsaday hogaamiyihii dawladda Islaamiga ah ee Abu Bakr al-Baghdadi ka hor inta aanay u dhiman xaalad aan la garanayn.

Bayaan kasoo baxay baxay Waaxda Caddaaladda Mareykanka ayaa lagu sheegay, in caddeymo lasoo bandhigay inti ay maxkamadeyntu socotay ay muujiyeen in Elsheikh iyo laba xubin oo kale oo ISIS ah oo ahaayeen saddexdi nine ee isku magacaabay “Beatles” sababo la xiriira lahjaddooda luqadda Ingiriiska British-ka, doorkoodu waxaa ku jiray in ay “kormeeraan xabsiyada lagu hayay laheystayaasha. Waxay caan ku ahaayeen adeegsi muddo dheer ah oo ay rabshado isugu jira mid jireed iyo mid maskaxeyd oo ay kula kacayeen laheystayaasha.”

35 marqaati ayaa ka marag-kacay inti ay maxkamadeyntu socotay, kuwaas waxaa ku jiray 12 laheyste oo hore, kuwaas oof aah-faahin ka bixiyay dhibaatooyin loo geystay oo ay ku jireen rabshado, garaacis hoogta ah, tacaddi kufsi, biyo lagu rusheeyay iyo in la tusiyay qaar iyaga ka mid ahaa oo la dilay.

Xeerbeegtida ayaa Elsheikh ku helay dhammaan siddeeda danbi ee lagu soo eedeeyay, oo ay ku jiraan nitaajo dhimasho oo ka dhalatay afduubka, inuu ku kacay dil loo geystay muwaadiniin Mareykna ah meel ka baxsan Ameerica, inuu taageero u fidiyay koox argagixiso ah iyo kuwo kale.

Elsheikh ayaa wajahaya xabsi daa’in, waxaana la xakumi doonaa bisha August.

Xukunka kadib, Diane Foley oo ah hooyada dhashay weriyaha la dilay ee James Foley, ayaa bogaadisay nidaamka cadaaladda Mareykanka, iyadoo tilmaantay in Elsheikh uu haysto afar qareen oo difaacaya. " Elsheikh waxaa loola dhaqmay si naxariis badan," ayay tiri. "Waxaan rajeyneynaa inaan awoodnay inaan tan u bedelno cadaalad, ee ma ahan aargoosi."

Kiiskaan wuxuu sidoo kale iftiimiyay farriintii madaxweyne Biden ee ku socotay argagixisada ee uu diray horraantii sannadkaan taas oo aheyd, “Ama maxkamad sharci ama goobta dagaalka” “waanu idinka daba imaan doonnaa oo idin qaban doonnaa.”

XS
SM
MD
LG