Accessibility links

Breaking News

Weerarada ka dhanka ah dadka laga tirada badan yahay ee Afghanistan oo la cambaareeyey


Foto Achiv: Katye Jeneral Depatman D'Eta Ameriken an nan Washington.
Foto Achiv: Katye Jeneral Depatman D'Eta Ameriken an nan Washington.

Mareykanka ayaa kula biiray bulshada caalamka sida ay uga xunyihiin weerarki wuxushnimada ahaa ee lagu qaaday xarumaha waxbarashada ee kala ah Mumtaz iyo dusgiga Abdul Rahim Shahid ee magaalada Kabul.

Mareykanka wuxuu tacsi u diray qoysaska dadki lagu dilay weerarkaasi, sida lagu xusay bayaan 19-ki April kasoo baxau Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Ned Price.

Weeraro dhowr ah oo lala beegsaday dadka rayidka ah ee Shiicada laga tirada badan yahay ee Hazara bishii Abriil ayaa loo aaneeyay kooxda ISIS-K. Mid ka mid ah weeraro aanan la sheegan ayaa lala eegtay masaajid ay ku dukadaan Suufida Shiicada, masaajidkaas oo lagu magacaabo Khalifa Sahib. Weerarka wuxuu dhacay Jimcihi ugu danbeeyay bishii Ramadan.

Saqafka masaajidka ayaa kusoo dumay dadki cibaadeysanayay. Ugu yaraan 10 qof ayaa ku dhintay 15 kalana dhaawac ayaa soo gaaray,isbitaallada ayaase soo wariyay khasaaro intaasi ka badan sida laga soo xigtay Qaramada Midoobay.

Ku-xigeenka Wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Afghanstan Mette Knudsen ayaa sheegay, “Ma jiraan erayo aan ku cabbiri karno si aan u cambaareyno ficilkaan wuxushnimada ah ee lagu beeganayo goobaha cibaadada, xilli muslimiinta guud ahaan Afghanstan ay isu diyaarinayaan ciidda.”

Golaha Ammaanka ee QM ayaa soo saaray bayaan, kaddib weeraro is xigxigay oo dhacay bishii April, iyaga oo dib u xaqiijiayay "in argagixisanimada noocyadeeda kala duwan iyo muuqaalladeeda ay ka dhigan tahay mid ka mid ah khataraha ugu daran ee nabadda iyo ammaanka caalamiga ah."

Ku-xigeenka afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Jalina Porter ayaa si adag u cambaaraysay beegsiga xubnaha kooxaha laga tirada badan yahay, waxaanay tiri, “Maraykanku waxa uu sidoo kale ka go’an in uu taageero awoodda dhammaan dadka reer Afgaanistaan, oo ay ku jiraan xubnaha diimaha laga tirada badan yahay in ay si xor ah ugu dhaqmaan diintooda, iyagoo aanan ka cabsaneyn rabshado.”

Waxaan sidoo kale aad uga walaacsanahay kororka weerarrada Afgaanistaan, waxaana ku baaqaynaa in la joojiyo weerarradan fulaynimada ah, dambiilayaashana sharciga la horkeeno."

XS
SM
MD
LG