Accessibility links

Breaking News

Mareykanka oo ay dhibtay xabsi daa'inka lagu xukumay Osman Kavala


Osman Kavala
Osman Kavala

Faalladani waxay ka tarjameysaa aragtida Dowladda Mareykanka.

Maxkamad ku taalla magaalada Istanbul ee dalka Turkiga ayaa xabsi daa’in ku xukuntay Cusmaan Kavala oo ah nin u dhaq dhaqaaqa xuquuqda madaniga ah isla markaana ah samafale, kaddib marki lagu eedeeyay in uu isku dayay in uu afgambiyo dowladda.

Kavala ayaa marki ugu horreysay loo xiray eedo la xiriiray bannaanbaxyadi 2013-ki ee Gezi Park ee magaalada Istanbul. Bannaanbaxaasi ayaa marki danbe ballaartay oo gaaray dhammaan waddanka, iyaga oo socday muddo sannad ah. Waxay calaamad u noqdeen dhaq-dhaqaaq looga soo horjeeday xakunka madaxweyne Recep Erdogan oo markaasi ra’isulwasaare ahaa.

Maxkamad ayaa marki danbe danbi ku weysay Kavala isla markaana amartay in la sii daayo. Laakin markiiba dib ayaa loo soo xiray, kaddibna lagu soo oogay dacwad ah inuu qeyb ka aha isku-daygi fashilmay ee sannadki 2016-ki lagu rabay in lagu afganbiyo madaxweyne Erdogan, kaasoo natiijadi ka dhalatay ay ku dhinteen ugu yaraan 250 ruux. Dowladda ayaa marki danbe u xirxirtay afganbigaasi, dad ka badan 110,000 oo ruux oo ay ku jiraan shaqaalo dowladeed, macallimiin, ololeeyayaal, iyo saxafiyiin.

Marka laga soot ago Kavala, maxkamadda Turkiga ayaa min 18 sano oo xarig ah ku xakuntay 7 eedeysane oo lagu eedeeyay in ay lug ku lahaayeen isku-daygi afganbi ee ka dhanka ahaa dowladda Erdogan. Dadkaasi waxaa ka mid ah nin 71 jir ah oo injineer ah oo lagu magacaabo Mucella Yapici, Tayfun Kahraman oo ka tirsanaa qeybta qorsheyna dowladda hoose ee Istanbul iyo filim-sameeye Cigdem Mater.

Mareykanka si weyn ayuu uga xumaaday ugana niyad jabay go’aanka ay maxkamaddu ku xukuntay Osman Kavala iyo kuwo kale. "Xukunkiisa cadaalad darada ah waa mid aan waafaqsanayn ixtiraamka xuquuqda aadanaha, xoriyaadka aasaasiga ah, iyo ku dhaqanka sharciga," ayuu afhayeenka waaxda arrimaha dibadda Ned Price ku yiri hadal uu soo saaray. Wuxuu intaasi raaciyay “Waxaan mar kale ugu baaqeynaa Turkey in ay sii deyso Osman Kavala, iyadoo la ilaalinayo xukunka Maxkamadda Yurub ee xuquuqda Aadanaha iyo sidoo kale in la xoreeyo dhamaan dadka kale ee sida sharci darrada ah ku xiran.

Maraykanku waxa uu weli aad uga walaacsan yahay sii socoshada dhibaataynta dhinaca garsoorka ee lagu hayo bulshada rayidka ah, warbaahinta, hoggaamiyeyaasha siyaasadda iyo ganacsatada Turkiga, dhibaatooyinkaas oo ay ku jiraan xarig muddo dheer ee loo adeegsanayo kuwa lagu soo eedeeyay inay taageereen argagixiso iyo kiisaska danbiyada aflagaadada.

"Dadka Turkiga waxay mudan yihiin in ay adeegsadaan xuquuqdooda bini'aadminimo iyo xorriyaddooda aasaasiga ah iyaga oo aan ka cabsanayn aargoosi," ayuu yiri afhayeenka Price. “Xaqqa uu qofka u leeyahay inuu adeegsado xorriyaddiisa hadalka, kulan nabadeed, iyo urur waxaa dhigaya dastuurka Turkiga iyo waajibaadkiisa sharciga caalamiga ah iyo ballanqaadyada [Ururka Amniga iyo Iskaashiga ee Yurub]. Waxaan ku boorrineynaa dowladda inay joojiso dacwadaha ku saleysan siyaasadda, ayna ixtiraamto xuquuqda iyo xorriyadda dhammaan muwaadiniinta Turkiga.”

XS
SM
MD
LG