Accessibility links

Breaking News

Koronto la isku halayn karo ee dalalka Afrika ee ka hooseeya Saxaraha


Korontada ayaa ah mid aan la isku halayn karin marka la joogo Afrikada Saxaraha ka hooseeya. Korontada oo go’daa ayaa si gaar ah u saamaysa xirfadda caafimaadka iyo tayada daawaynta ay heli karaan bukaanada.

Runtii, saddex-meelood laba meel xarumaha caafimaadka ee gobolku ma laha koronto la isku halayn karo, afar-meelood meel ayaanaba heysan wax koronto ah. Tani waxay si gaar ah dhibaato u yeelanaysaa marka la rarayo tallaallada COVID-19 ee u baahan qaboojiyaha.

Sida ay dhawaan sheegtay maamulaha Wakaaladda Horumarinta Caalamiga ah ee Mareykanka, Samantha Power, “Caqabadaha ugu danbeeya sida keydadka qaboojiyaasha, iyo koronto xumada ayaa kallifeysa in malaayiin tallaal ah ay hallaabaan ama la iska tuuro.”

Galaan-gal la’aanta ilo koronto oo la isku halleyn karo kaliyah ma ahan dhibaato, balse waxay keeni kartaa dhimasho. Xasillooni-darrada dhinaca korontada ayaa ka hor istaageysa dhaqaatiirta in ay sameeyaan qalliinadda adag. Waxay yareyneysaa awoodahooda bixinta gargaar deg deg ah, waxana ay horseedi kartaa dhimasho aanan loo baahneyn oo laga hortagi karo.


Maamule Power ayaa sheegtay in xalka dhibaatada koronto la’aanta “aysan noqon mid ku tiirsan hababki hore ee koronta matoorrada ku shaqeeya gaaska ee sii xumeeya xaaladaha caafimaad ee deegaanka.” Iyada oo qeyb ka ah kooxda USAID ee ka jawaabista cudurka COVID-19 ee dunida, ayaa barnaamijka Korontada Africa lagu abaalmarinayaa in ka badan $2.6 million oo dammaanad qaadeysa ilaa sagaal shirkadood oo bixin doona adeegyada korontada laga dhaliyo tamarta laga helo qorraxda.


Mid ka mid ah bah-wadaagta dadaalkani ayaa ah shirkad saldhigeedu yahay Lesotho taas oo lagu magacaabo OnePower. Waxay iskaashi la leedahay shirkad xarunteedu tahay Koofur Africa, labaduba waxay daabullaan qalabka soollarka ee qorraxda ka dhaliya dabka oo ay ku rakibaan isbitaallada ku yaalla dhulka baadiyha ah.

USAID waxay rajeyneysa in ay baahiso dadaalkeeda koronto gelinta oo ay rabto inay geyso guud ahaan dalalka Africa ee saxaraha ka hooseea, kaas oo ay u mareyso barnaamij cusub oo loogu magac-daray Isbahaysiga Daryeelka Caafimaadka ee Korontada iyo Isgaarsiinta Awoodda Afrika.

Iyada oo qayb ka ah Hindisaha Kaabayaasha Caalamiga ah ee Madaxweyne Biden, isbahaysigani waxa uu koronto siin doonaa in ka badan 10,000 oo rugo caafimaad ah,shanta sano ee soo socota. Xarumahaan caafimaad waxaa lagu dhisi doonaa adeegga korontada laga dhaliyo tamarta qorraxda, waxaana lagu xiriirin doonaa qalabka camputerrada casriga ah, taas oo u ogolaaneysa in ay si wanaagsan isula xiriiraan oo ay u wada shaqeeyaan goobaha kale ee caafimaadka iyo dhaqaatiirta gobolka.

“Xallinta howshani horumarineed ee ballaaran hal dhinac kaliya ma qaban karo, sidaasi daraadeed waxaanu kala shaqeyneynaa in ka badan 20 xubnood oo ka socda hey’adaha gaarka ah si loogu guuleysto hadafkan. Isbaheysigan wuxuu adeeg siin diinaan boqollaal kun oo ruux oo ku nool dalalka Africa ee Saxaraha ka hooseeya, taasoo ka caawin doonta deegaan wanaagsan iyo xarumo caafimaad oo ku qalabeysan tiknolojiyad casri ah,” ayay tiri Power.

XS
SM
MD
LG