Accessibility links

Breaking News

Finland iyo Sweden waxay dalbanayaan xubinnimada NATO


UKRAINE-CRISIS/NATO-TURKEY-FINLAND
UKRAINE-CRISIS/NATO-TURKEY-FINLAND

18-ki bishi May, Dowladaha Finland iyo Sweden ayaa diray codsiga ay ku dalbadeen xubinnimada gaashaanbuurta NATO. Dalabka dalalkaan ayaa ah natiijo toos uga dhalatay dagaalka macno-darrada ah ee uu taliska Putin ku qaaday waddanka ay jaarka yihiin ee Ukraine.


Dalaka Finland iyo Sweden oo dhex-dhexaad ka ah is-xulufeysiga dunida ayaa qiimeyn ay sameeyay kusoo gunaanaday, in khatarta uga imaan karta hoggaanka Ruushka ay ka culeys badan tahay amniga ay ka heli karaan mandhiqadda.


Madaxweyne Joe Biden ayaa soo dhaweeyay go’aanka labada dal. "Finland iyo Sweden waxay NATO ka dhigayaan mid xoogan" ayuu yiri Biden. "Nato xooggan oo midaysanna waa aasaaska amniga Maraykanka."

Inkasta oo Finland uu gumeystay isticmaarkii Russia, kaddiba la gashay laba sano oo dagaal ah iyada oo waddan xora ah Midowgii Soofiyetka qarnigii 20-aad, gaar ahaan 1939-40 iyo 1941-1944m ayay haddana Helsinki ku guuleysatay in ay xiriir dhaw oo dhaqaale la yeelato Moscow walibana millitari ahaan adeegsatay siyaasad dhex dhexaad ah.

Sweden ayaa muddo laba qarni ah ku naalooneysay siyaasad ka caagan isbaheysiyo. Inkastoo labada dal Finland iyo Sweden ay qoto-dheereeyeen iskaashigooda NATO sannadihi lasoo dhaafay, haddana shacabkooda iyo hogaamiyaashooda midkoodna ma muujin xiiso ay u qabaan ka mid noqoshada NATO, hase yeeshee hadda arrintu sidaasi waa ay ka duwantahay.


Mid ka mid ah waxyaabaha xunxun ee ka soo baxaya dagaalka naxariis darada ah ee Kremlin-ku ku hayo Ukraine ayaa ah, in Vladimir Putin uu soo dedejinayo waxii uu ka baqayay marki hore ee ahaa: ballaarinta NATO. Ku biirista Finland iyo Sweden waxay xoojin doontaa amniga saddexda waddan ee Baltic-ga kuwaas oo hadda ah garabka waqooyi-bari ee NATO, waxay sidoo kale
gacan ka geysaneysaa sidii looga takhalusi lahaa is-baahinta gardarrada ah ee Federaalka Ruushka ee dhowaan uu isku fidiyay gacanka Kola ilaa gobolka Arctic.


Xilli lagu guda jiro duullaanka gardarrada ah ee Putin, ayaysan waxba iska baddalin dariiqii Isbaheysiga NATO ee difaaca iyo nabadda, kaasoo wali ah mid xoogan oo mideysan kuna saleysan in qurumuhu ay difaacaan madaxbannaanidooda iyo dadkooda.

“Inaan helno laba xubin oo cusub oo ku sugan Waqooyiga Sare ayaa xoojin doonta amniga isbaheysigeenna, waxay qoto-dheereyn doontaa iskaashiga dhinaca amniga ee dhammaan xubnaha, maanta ma jirto su’aal la xiriirta NATO oo qeexeysa in maanta aysan jirin maalin looga baahi badanyahay NATO waxtar leh.”

Faalladani waxay ka tarjameysaa aragtida Dowladda Mareykanka

XS
SM
MD
LG