Accessibility links

Breaking News

Isbeddel ka jira dalka Yemen


Yemen
Yemen

Faalladani waxay ka tarjameysaa aragtida Dowladda Mareykanka.

Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Yemen, Hans Grundberg wuxuu dhawaan sheegay, in muddo kordhinti dhawaan loo sameeyay heshiiska xabad-joojinta Qaramada Midoobay ee u dhaxeeya dhinacyada isku haya Yemen ee la gaarsiiyay ilaa labada bisha August, uu ka dhiganyahay isbaddal weyn oo ku yimid jihada dagaalka.

Colaadda Yemen ayaa soo billaabatay sannadki 2014-ki, kaddib marki ay Jabhadda Xuutiyiinta ee taageerada ka helay Dowladda Iran ay qabsadeen qeyb weyn oo ka mid ah waddanka, ugu danbeyntiina ku qasabtay madaxweynihi dowladda uu caalamka aqoonsanyahay uu dalka isaga cararo, isla markaana carqaladeysay hannaanki la dhowrayay ee ahaa in dowladda si nabad ah ay xilka u wareejiso.

Kaddib codsi ka yimid dowladda Yemen, ayuu Isbaheysi uu hogaamiyo Sacuudi Carabiga billaabay dagaal ka dhan ah Xuutiyiinta, taariikhdu marki ay aheyd March 2015. Dad lagu qiyaasay 377,000 oo ruux ayaa ku dhintay colaadda Yemen, waxaa intaasi sii dheer in dagaalka uu dalka geliyay xaalad faqri iyo abaar aad u daran.

Billowgi bishi Ramadan taariikhda miilaadiguna ku beegneyd 2-di April, ayuu dhaqan galay heshiis xabad-joojin oo ay garwadeen ka aheyd Qaramada Midoobay, arrintaas oo horseeday in uu aad u yaraado khasaaraha aadminimo ee ka imanayay dagaalka sokeeye isla markaana kordhisay howlaha gurmadka iyo in galaan-gal loo helo shidaalka iyo alaabaha muhiimka u ah nolosha.

Dhinacyada dagaalka u dhaxeeyo ayaa ku heshiiyay in xabad-joojinta lagu kordhiyo muddo 60 cisho ooh or leh taariikhdu marki ay aheyd bishi June labadeedii.

“Kaddib marki ay heshiiyeen isla markaana ay dhaqan-geliyeen ayay hadda dib u cusbooneysiiyeen heshiiska, dhinacyadu waxay bixiyeen jaro nadir ah oo soo gashay shacabka reer Yemen taasoo soo dhameyn karta colaaddan musiibada ah,”sidaa waxaa yiri ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay Grundberg.

Madaxweyne Biden ayaa soo dhaweeyay kordhinta xabad-joojinta isla markaana yiri “Innaga oo uga mahadineyna heshiiskii April, labadi bil ee lasoo dhaafay Yemen waxay ku naalootay waqtiyadi ugu nabadd wacnaa tan iyo inti uu billowday dagaalkan aadka u daran 7 sannadood ka hor. Kumannaan ruux ayaa noloshooda la badbaadiyay maadaama dagaalka la joojiyay.”

Biden ayaa ammaanay “shaqada adag ee uu wado ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay Grundberg iyo Wakiilka Mareykanka ee Yemen Tim Lenderking kuwaas oo ka caawinaya sidii xabad-joojinta loo kodhin lahaa. Wuxu sidoo kale ammaanay iskaashiga diblamaasiyeed ee gobolka oo dhan ka socda, isag aoo yiri.

“Saudi Arabia wuxuu muujiyay hogaan geesino leh isaga oo hindisaha xabad-joojinta ee ay hormuudka ka tahay Qaramada Midoobay hirgeliyay goor hore. Cumaan waxay ciyaartay door dhexdhexaad leh iyada oo martigelisay isla markaana fududeysay wada-hadalka. Masar iyo Urdun waxay garoomada u fureen diyaaradaha ka imanaya Yemen tan iyo bishi lasoo dhaafay, arrintaas oo sahashay inuu dhaqan-galo cunsur muhiim ah oo ku saabsan hannaanka heshiiska.”

Joojinta dagaalka Yemen ayaa ah mudnaanta koowaad ee siyaasadda arrimaha dibadda ee Maraykanka. Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa mar kale ku celiyey sida ay Maraykanka uga go’an tahay “xal waara oo loo dhanyahay oo laga gaaro colaadda dhibaatada bidday dadka reer Yemen, iyo in la xoojiyo shacabka si ay go’aan uga gaaraan mustaqbalka waddankooda iyadoo aysan soo fara-gelin shisheeye iyo sidoo kale in xalliyo baaqyada ku aadan caddaaladda iyo isla-xisaabtanka. Waxaan ku boorrineynaa dhammaan dhinacyada in ay ka faa’iideystaan marxaladdaan muhiimka ah si loo billaabyo wada-hadallo waxgal ah oo ku saabsan hannaanka nabadda” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Mareykanka.

XS
SM
MD
LG