Accessibility links

Breaking News

Mareykanka oo xoojinaya dimqoraadiyadda Cuba, Nicaragua iyo Venezuela


Brian Nichols
Brian Nichols

Tani waa faallo ka tarjumeysa aragtida Dowladda Mareykanka.

Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka ee Arrimaha Galbeedka Hemisphere, Brian Nichols, ayaa sheegay in Mareykanku uu weli u heellan yahay xoojinta xorriyadda iyo xuquuqda aadanaha ee shacabka dalalka Cuba, Nicaragua, iyo Venezuela.

“Xariga iyo maxkamadaynta siyaasadeysan ee lagula kaco kuwa sida nabdoon dalalkooda ugu dibad baxaya ayaa meel ka dhac ku ah dimuqraadiyadda,” ayuu yiri. Dalka Cuba, halkii ay wax ka qaban lahayd baahida dadkeeda xilli ay jirto dhibaato dhaqaale ayay dawladdu waxa ay bilawday olole kale oo siyaasadeed, iyada oo ku eedaysay dibad-baxayaasha in ay abuureen fitno islamarkaana ku riday xukunno u dhexeeya 7 ilaa 30 sano oo xabsi ah.

Sidoo kale, Nicaragua, “rajiimka Ortega Murillo waxa uu abaabulay olole arxan darro ah oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha kaasi oo uu kaga jawaabayo mucaaradad baahsan oo lagu diidan yahay siyaasadaha taliska, taasi oo sababtay in ay dhintaan dad gaaraya 320 qof oo u dhashay dalkaasi,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Kaaliye Nichols.

Maraykanku waxa uu dunida oo dhan oo ay ku jirto Venezuela ka sii wadaa horumarinta hannaanka ismaamulka dimuqraadiga ah. Markii ay soo dhawaatay doorashadii guud ee dalkaasi bishii November ee 2021-kii, taliska Nicolas Maduro ayaa xabsiga dhigay in ka badan 40 qof oo mucaarad siyaasadeed ah iyo sidoo kale dhowr wariye, waxa uuna ku shubtay natiijadii doorashada.

Maxaabiistan siyaasadeed ayaa loo diiday in ay helaan waxyaabaha daruuriga ah sida cunto, biyo, iyo daryeel caafimaad. Intaa waxaa sii dheer, in “maxaabiista la jirdilo oo la garaaco, biyo madaxa loo geliyo, koronto lagu ciqaabo, islamarkaana la dhex geiyo qolalka heerkulkoodu aad u qabow yahay. Maxaabiista dheddigga ah ayaa soo wariya in ay la kulmaan xadgudubyo galmo oo ay kula kacaan ciidamada ammaanku,” ayuu yiri Kaaliye Xoghaye, Nichols.

"Mareykanka, oo ay wehliyaan xulafadiisa caalamka ayaa sii wada in uu ku cadaadiyo in la sii daayo dhammaan kuwa xaqdarrada u xiran sababo siyaasadeed awgeed. . . lana hagaajiyo xaaladaha doorashooyin xor iyo xalaal ah oo u oggolaanaya dadka reer Venezuela, Cuba, iyo Nicaragua in ay iyagu doortaan madaxdooda,” ayuu yiri Kaaliye Xoghaye Nichols.

“Waxa aan sii ahaan doonaa saaxiibka dhabta ah ee dadka reer Venezuela, Cuba, iyo Nicaragua ee ku dadaalaya in ay dalalkooda u dhisaan mustaqbal wanaagsan, oo ay madaxdoodu ixtiraamayaan xuquuqda aadanaha iyo xorriyadda dhammaan muwaadiniinta.”

Maraykanku waxa uu sii wadi doonaa in uu adeegsado dhinacyada dublamaasiyadda iyo dhaqaale ee aan haysanno si aan u taageerno dadka reer Cuba, Nicaragua, iyo Venezuela, dadaalka ay ugu jiraan in ay helaan xorriyad ballaaran, la xisaabtanka dawladda, iyo dimuqraadiyadda.

XS
SM
MD
LG