Accessibility links

Breaking News

'Xitaa daqiiqad ma khasaarin karno'


Samantha Power
Samantha Power

Tani waa faallo ka turjumaysa aragtida dawladda Maraykanka.

Cudurdaar la’aanta Ruushka ee dagaalka arxan darrdada ah ee ka dhanka ah Ukraine ma aanu dhamaan sida qorshuhu yahay, Ukarine waa ay diiday inay iska dhiibto u dagaalanka dimuqraadiyadeeda iyo inay aqbasho dalabyadda Ruushka, Ruush-ku waxa uu ku weeraray dadka rayidka ah bambooyin, miinada dhulka lagu aaso, taangiyo iyo hubka culus iyagoo wada doonistooda ah inay ku qabsaan Ukraine waxa ay rabaan, ilaa iyo hadana Ukraine wey iska ccaabinaysaa.

Ruush-ku sidoo kale waxa ay hub ahaan u adeegsadeen cuntada, waxa uu burburiyay kaydkii midhaha beeraha ka soo go’a, goobihii kale ee keydka, meelilhii lagu aasayay, waxa ay weerareen meelaha cuntada lagu farsameeyo laguna tijaabiyo, iyagoo sidoo kalena xaday midhihii iyo waliba agabkii beeraha, wax kale oo ay xanibeen dekedihii Ukraine ee badda madow, iyagoo is hortaagay cuntada iyi bacriminta Ukraine inay gaadhaan wadama durugsan ee aadka ugu baahan.

Daqiiqad kasta, ku dhawaad 100 ama “ka badan ayaa kusii durkaya xaalad gaajo ama saboolnimo ah oo uu keenay dagaalka Putin” waxa sidaasi tidhi maamulaha USAID Samantha Power.

“Daqiiqad kasta oo xariyaarada Putin ee midhaha Ukraine ay sii jirto, daqiiqad kasta xayiraadiisa bacrimiyeyaashu ay sii socoto, daqiiqad kasta weerarkiisa ee Ukraine sii qasnaato cimilada iyo qiimahuba wey ka yaabinayaan dunida iyadoo hadaba ay waajahayaan, daqiiqad kast 100 qof ka badan ayaa u dhibtaatoonaya si daran”

Sida ay qaramada midoobay sheegtay natiijada dagaalka Putin, in kabadan 31 million oo qof ayaa ku siqaya sabaoolnimo sanadkan, iyadoo kalabadh ka mid ah ay waajahayaan macaluul, hada baahida ugu weyn waa geeska Africa oo la dhibaataysan abaarta xiligii afaraad oo xidhiidh ah.

“Hada abaarta geeska Africa waxa ay u horseeday dhimashada malaayiin xoolo ah iyo waxa ay UNICEF ku odorostay inuu noqon doono qarax dhimashada caruurta ah” Waxa sidaas tidhi maamule Power.

Shirkii wasiirada ee dhawaan ay yeesheen hogaamiyeyaasha G7 ayay ku yabooheen 4.4 billion oo dollar si loogaga jawaabo sugnaashiiyaha cuntada aduunka, iyadoo madaxweyne Biden uu balan qaaday 2.76 million oo dollar, taasi oo ah in inka badan kala badh lacagtaasi ay ka imanayso Maraykanka, Laba billion oo lacagtan ahi waxa ay gacan ka gaysan doontaa badbaadinta badbaadinta dadka iyadoo loo marayo fidinta kaalmadda deg dega ah, halka 760 million oo dollar-na loo asteeyey waaritaanka mudada dhaw ee kaalmada cuntada si loo fidiyo suganaashiyaha cuntada ee deg dega ah loona kaalmeeyo dalalka nugul ee uu aadka u saameyeey dagaalkani.

“Badi jwaabtayadu hoos ayay u dhici doontaa, hadii aanu daacad noqono, si loo fidiyo gargaar deg deg ah, markaa tan, kaliya dhig, kaliya waa ku tiirsanaanta lacagta, lacag badan oo badan oo aad u badan” waxa sidaas shirkii G7 ka tidhi maamule Power. “Qof kasta oo inaga mid ah waa inuu deeqsinimada uu u muujiyay Ukraine ku dabaqaa agabka uu ku kaalmaynayo waxa hada aan aadka loo arkayn ee dhinabayaasha dagaalka”
“Ma haysano daqaaqad aynu dib u dhigano”

XS
SM
MD
LG