Accessibility links

Breaking News

Niyadjab lagala kulmay Doha


Tani waa faallo ka turjumaysa aragtida dawlada Maraykanka.

Kulan dhawaan Doha ku dhex maray Maraykanka iyo Iran ee ay isku dubarideen midowga Yurub si loo dhamaystiro heshiiska dib ugu soo laabashada in si dhamaystiran loo hirgaliyo heshiiskii nuclear-ka ee Iran ayaa ku soo dhamaaday niyadjab.

Waraysi uu siiyay NPR ayaa ergeyga gaarka ah ee Maraykanka u qaabilsan Iran Robert Malle oo hogaaminayay weftiga Maraykanku ku idhi “Dhinaca aan haa odhan waa Iran”

Qorshaha iskudhafka ah ee sida wadajirka ah loo gaadhay snaadkii 2015 ama JCPOA ayay Iran ku ogolaatay inay xadido dhaqdhaqaaqeeda Nuclear-ka oo ay ku jirto bacriminta Uranium-ta oo muhiim u ah horeumarinta hubka nuclear-ka, iyagoo ku badalanayain laga qaado dhamaanba cunoqabaynihii hubka nuclear-ka la xidhiidhay, sanadkii 2018-kii madaxweynihii hore Donald Trump ayaa ka baxay heshiiska, wadaxaajoodyo aan tiis ahayn oo dhex maray Maraykanka iyo Iran si siwadajir ah loogu soo noqdo JCPOA ayaa bilaabmay sanad ka hor, bishii March ee sanadkii 2020, waxay u muuqatay in soo laabashadaasi ay soo dhaweysay ilaa iyo wadaxaajoodyadu ay istaageen muddo bilo ah.

“Iraaniyiintu waxa ay wateen xataa markii Doha la joogay oo ay ku dareen dalabkooda waxa aan filayo in qof kasta eegayaa uu arki karayo inay wateen wax aan waxba ka tari Karin heshiiska nuclear-ka, waxyaabahii ay doonayeen markii hore” waxa sidaas idhi Malley oo ah ergeyga gaarka ah “ Dooda xaqiiqatan u baahan inay hada dhacdo maaha mid dhex taala Maraykanka iyo Iran, inkastoo aanu diyaar u ahayn inaanu taas yeelano, waxa ay u dhaxaysaa Iran iyo iyada lafteeda taasi oo ah inay go’aan kasoo gaadhaan hadii ay diyaar u yihiin si ay u dabaqaan heshiiska, hadii aanu diyaar u nahay inaanu si la mid ah samayno hore ayaanu u sheegnay inaanu u nahay.”

Malley waa ergeyga gaarka ahe, waxa uu hoosta ka xariiqay in Iran ay hada u dhawdahay inay hesho agabka ku filan oo ah awooda kala dhambasha Nuclear Bom-ka, si kasta oo ay ahaataba waxa uu idhi “ Aqoonta aynu u leenahay, ma aanay soo celin barnaamijkoodii hubaynta, kaasi oo ay u baahan doonaan inay horemariyaan Bam, balse dabcan waa lanoo digay, si la mid ah kuwa aanu iskaashiga la leenahay, hore ugu socoshada ay ka sameeyeen qaybta bacriminta.”

“Waxa jira wali waqti lagu xalin karo tan,” ayaa uu xusay ergeygan gaarka ah .“Waxa wali jira waqti loogu soo laabto heshiiskii shaqaynayay, waxa aanu rajaynaynaa in Iran ay doorato jidkaas, waa marin weli naga go’an”

XS
SM
MD
LG