Tani waa faallo ka turjumaysa aragtida dawlada Maraykanka
Maraykanku waxa uu si aad ah uga warwarsan yahay xukunka lagu riday Nguy Thi Khanh oo reer Vietnam ah una dhaqdhaqaaqda deegaanka, taasi oo lagu xukumay laba sano oo xabsi ah, iyadoo ku guulaysatay abaalmarinta dahabka ah ee deegaanka, Khanh waxa ay tobanaan sano ka shaqaynaysay sidii kor loogu qaadi lahaa in loo gudbo tamarta waarta islamarkaana hoos loo dhigo ku tiirsanaanta dalkeeda ee dhuxusha.
Horaantii sanadkan, xafiiskeeda iyo gurigeeda ayaa la baadhay, waxaana loo xidhay eedo ah inay ka baaqsatay cashuur.
Afhayeenka wasaarada arimaha dibada Ned Price ayaa war uu soo saaray ku xusay in Khanh ay ka mid tahay dhawr qof oo deegaanka u dhaqdhaqaaqa oo ka shaqaynayay danta Vietnam iyo dadkeeda, kuwaasi oo ay dawladu xidhay.
Waxaana uu tilmaamay in masuuliyiintu ay haweenaydan xidheen isla maarlintii ay maxkamada shacabka ee Hanoi ay xukuntay dad kale oo deegaanka ka shaqeeya, iyadoo kadib isla bishaasina Dang Dinh Bach xabsiga loo dhigay eedo la mid ah, “warbixintii dhawaan ee Wasaarada arimaha dibada ee xuquuqda aadamaha Vietnam ayaa lagu idhi “Xadhigan ayaa la xidhiidha dhaliisha ay dawlada ugu jeediyeen doorkeeda dhawr arimood oo deegaanka khuseeya, oo gaar ahaan la xidhiidha mashaariic warshad tamarta laga dhalinayo uumiga oo laga yagleelayo badhtamaha dalkaasi iyo inay u doodaan xorriyada hadalka”
Afhayeen Price waxa uu ugu baaqay xukuumadda Vietnam inay sii dayso Nguy Thi Khanh iyo sidoo kale kuwa kale ee deegaanka u dhaqdhaqaaqa. “hawlwadeenada bulshadda rayidka ah” waxaana uu sheegay “inay qayb muhiim ah ka yihiin caawinta dalalka sida Vietnam inay gaadhaan yoolalkooda isbadalka cimilada iyo ilaalinta deegaanka” xoghayaha arimaha dibada Antony Blinken ayaa isaguna idhi “Bulshada rayidka ah oo si buuxda u shaqaynaysa, ku dhaqanka sharciga iyo xorriyada ashkhaastuba waxa ay seeska u dhigaan waxa ay bulshooyinku ku kobcaan”