Accessibility links

Breaking News

Blinken oo ka qeyb-galay shirka xoriyadaha diimaha


Blinken DNI
Blinken DNI

Tani waa faallo ka turjumaysa aragtida dowladda Maraykanka

"Maraykanku waxa uu leeyahay go'aan qoto dheer oo joogto ah oo lagu ilaalinayo oo kor loogu qaadayo xorriyadda diimahaa dhammaan dadku aaminsanyihiin meel kasta oo ay joogaan," ayuu yidhi Xoghayaha Arrimaha Dibedda Antony Blinken isaga oo ka hadlayay Shirwaynhii ay bulshada raydku soo diyaariyeen ee Xorriyadda Diimaha Caalamiga ah ee qabsoomay bishii Juun.

Mid ka mid ah siyaabaha ay Wasaaradda Arrimaha Dibadda u horumariso xorriyadda diinmaha ama waa iyada oo loo marayo Xafiiska Xorriyadda Diimaha Caalamiga ah. Danjiraha maraykanka u qaabilsan arrimaha xoriyadda diimaha Rashad Hussain waxa uu la shaqeeyaa dawlado shisheeye, xubno ka tirsan kooxaha diimaha laga tirada badan yahay, u doodayaasha bulshada rayidka ah, iyo hoggaamiyayaasha diinta si loo horumariyo iskaashiga, ixtiraamka labada dhinac.

Bishii Maarso, Xoghaye Blinken ayaa go'aamiyay in xubno ka tirsan militariga Burma ay geysteen xasuuq iyo dambiyo ka dhan ah bani'aadanimada oo ka dhan ah Rohingya, kuwaas oo u badan Muslimiin. Wuxuu kaloo garwaaqsaday tacadiyada ka dhanka ah qowmiyadaha kale iyo diimaha kale ee Burma.

Qaababka kale ee dowladda Maraykanku ula macaamisho isbedelada ka dhanka ah xoriyadda diimaha ayaa waxaa ka mid ah iyada oo loo marayo Warbixinta Xoriyadda Diinta ee Caalamiga ah ee sannadlaha ah. Warbixinta sanadkan ayaa lagu xusay kor u kaca naceybka ka dhanka ah Muslimiinta, iyo weerarada lagu hayo xubnaha kooxaha diimaha laga tirada badan yahay iyo dadka aan rumaysnayn diimaha. Xoghaye Blinken waxa uu carabka ku adkeeyay in Wasaaradda Arrimaha Dibadda ay sii wadi doonto ka hadalka hanjabaadaha, weerarada, iyo takoorka meel kasta oo ay ka dhacaan, ayna kala shaqayn doonto bulshada rayidka ah horumarinta xorriyadda diinta.

Xoghaye Blinken waxa uu ku booriyay kooxaha bulshada rayidka ah ee shiray kana soo qayb galay shir madaxeedka IRF in ay sii wadaan wada shaqaynta [Maraykanka] iyo midba midka kale, gaar ahaan dhamaan diimaha, si loo hormariyo qadiyada xoriyada diinta. Isala markaana ay Sii wadaan diiwaan gelinta xadgudubyada iyo sidoo kale horumarka," ayuu raaciyay.

XS
SM
MD
LG