Accessibility links

Breaking News

Mareykanka oo gargaar siinaya Koonfur Suudaan


BOSNIA-USA/AID
BOSNIA-USA/AID

Tani waa faallo ka tarjumaysa aragtida dowladda Mareykanka

Suudaantaa Koonfureed waxay aad ugu baahan tahay gargaar bini'aadantinimo. Dalka ayaa waxaa soo food saartay xaalad cunto yari ah oo aan horay loo arag, iyadoo meelaha qaar ee dalka ay halis ugu jiraan inay ka dilaacaan macluul. Tani waa xaalad qalafsan oo ay sababeen dhowr arrimood, oo ay ku jiraan rabshado goos goos ah; Roobab afar sano qiyaastii ka sara maray oo sababay daadadkii ugu darnaa muddo tobanaan sano ah, beero baaba’ay, xoolahihiina laayay, boqolaal kun oo qofna barakiciyay; yaraanta cuntada diyaarka ah ee lasoo dhoofin jirey taasoo ka dhalatay dagaalka Ruushka ee Ukraine; iyo saamaynta joogtada ah ee masiibada COVID-19.

Sida laga soo xigtay Shabakadda Nidaamyada Digniinaha Hore ee Macluusha, ama FEWS NET, oo ay maamusho USAID, 7 ilaa 8 milyan oo qof oo reer Suudaanta Koonfuureed ah ayay u badan tahay inay u baahan doonaan gargaar cunto, iyadoo baahida ugu sarreysana la filayo inta u dhaxaysa Luulyo iyo Sebtembar.

Wax ka yar laba sano ka dib markii Suudaanta Koonfuureed ay ku dhawaaqday inay ka go'day Suudaan, dagaal sokeeye oo socday muddo shan sano ah ayaa sababay burbur baahsan iyo rabshado ba'an oo ka dhan ah dadka rayidka ah, taas oo sababtay barakaca dadweynaha iyo carqaladaynta wax soo saarka cuntada. Maanta, ku dhawaad 2 milyan oo qof ayaa ku barakacay gudaha dalka halka 2.3 milyan oo kalena ay magangelyo u heleen dibadda.

Kuwaas, ilaa 700,000 oo ka mid ah waxay ku noqdeen Suudaanta Koonfuureed dhowrkii bilood ee la soo dhaafay waxayna isku dayayaan inay dib u dhistaan noloshooda, laakiin kheyraadku waa gabaabsi. Dhanka kale, hal milyan oo qof oo dheeraad ah ayaa ku barokacay daadadka sannadkii hore, iyadoo 600,000 oo kalena ay ku soo food leeyihiin biyaha fatahaadda ee ballaaran sanadkan.

Dhaqaalaha Suudaanta Koonfuureed kama soo kaban dagaalka, sidoo kale qaybta beeralayda ayaan ka soo kaban. Ma aha mid isku filan oo waa inay soo dejiso cunto, laakiin kor u kaca qiimaha iyo sicir bararka cunnooyinka muhiimka ah ee hore looga keeni jiray Ukraine ayaa sii kordhinaya sugnaansha la’aanta cuntada. Sida laga soo xigtay Qaramada Midoobay, Suudaanta Koonfuureed waxay wajaheysa masiibadii ugu xumayd abid.
Iyadoo la shaqaynaysa USAID, dawladda Maraykanku waxa ay ku bixinaysaa in ka badan 117 milyan oo doollar oo gargaar bini'aadantinimo oo dheeraad ah dadka Suudaanta Koonfuureed.

Lacagtan ayaa la marsiin doonaa hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan cunnada ee WFP, waxaana lagu siin doonaa gargaar cunto iyo nafaqayn in ka badan hal milyan oo qof oo ay dhibaatadu saamaysay Suudaanta Koonfuureed.

Mareykanka ayaa sii wada taageerada uu la garab taagan yahay dadka Suudaanta Koonfuureed iyadoo dalkaasi ay ka jiraan qalalaaso sii kordhaya. Waxaa naga go'an inaan gargaar bini'aadantinimo ku bixinno adduunka oo dhan si ay labadaba u noqoto mid damiir leh iyo faa'iido toos ah wanaagga Mareykanka.

XS
SM
MD
LG