Accessibility links

Breaking News

Xuska Xasuuqii Sinjar


Tani waa faallo ka tarjumaysa aragtida dowladda Mareykanka

Saddexda bisha Ogosto ayaa ku beegan sanadguuradii 8-aad ee ka soo wareegtay weerarkii argagixisada Daacish ay ku qaadeen bulshada Yezidiyiinta ee ku nool waqooyiga Ciraaq, xilligaasi oo ay doonayeen in ay burburiyaan dadkaas iyo dhaqankooda. Arxan darada dhacdooyinkaas ayaa labaduba astaan u noqday masiibo soo wajahday bulshada Yezidi-ga, iyo isbeddelka dagaalka lagula jiro Daacish.

Ogosto 3, 2014, argagixisada ISIS ayaa xoog ku qabsaday magaalada Sinjar ee waqooyiga Ciraaq. Magaaladu waxa ku noolaa 90,000 oo qof, oo u badan Yezidiyiinta, oo ay lahaayeen Shiico tiro yar.

Yezidisku waa diin iyo qowmiyad laga tirada badan yahay oo aan muslim ahayn. Waxa si xun u bartilmaameedsaday oo silcin jiray ISIS caqiidadooda darteed, waxaana inta badan soo weeraray dad kale taariikhdooda.

Markii Daacish ay la wareegeen gacan ku heynta Sinjar iyo baadiyaha ku xeeran, waxa ay islamarkiiba bilaabeen in ay burburiyaan macbadyo ay ku cibaadeystaan dadka Yahuuda, isla-markaana ay laayaan dadka rayidka ah ee Yazidiyiinta. Kumanaan kun oo qof, gaar ahaan rag iyo wiilal ayaa lagu fuliyay xukun dil ah, halka kumannaan kale, gaar ahaan dumar iyo gabdho ay xoog ku qabsadeen oo ay kufsadeen sidii qaab addoommo galmo oo ay geysteen kooxda Daacish.

200,000 oo qof oo ka qaxay guryahoodii magaalada iyo tuulooyinka ku xeeran, ilaa 50,000 ayaa waxay gabaad ka dhigteen buurta Sinjar. Halkaas oo ay ku hareereeyeen oo ay ku xannibeen dagaalyahannada Daacish. Saddex maalmood gudahood, tiro Yezidis ah, oo ku dhowaad dhammaantood ahaa carruur, ayaa bilaabay inay u dhintaan fuuqbax. Waxay baaq u direen qoyska adduunka oo dhan, oo uu ku jiro Mareykanka, iyagoo ka codsaday in la caawiyo si ay uga baxsadaan go'doominta.

Ogosto 4, 2014, Amiirka Yezidi wuxuu ugu baaqay madaxda adduunka inay caawiyaan. Mareykanka ayaa ka jawaabay, isagoo qaaday duqeymo ka dhan ah mintidiinta ISIS, isagoo taageeray gaarsiinta gargaarka bini'aadantinimo iyadoo loo marayo dhibcaha hawada ee cuntada iyo biyaha, iyo la shaqeynta Ciraaq iyo saaxiibada kale.

Tani waxay ahayd falkii ugu horeeyay ee horseeday in la sameeyo isbahaysi caalami ah si looga adkaado Daacish, iyo bilowga dhamaadka ISIS. Bartamihii bishii December ee sanadkii 2014-kii ayay ciidamada Kurdiyiinta bilaabeen wajigii koowaad ee ololaha ay Daacish kaga saarayaan Sinjar, iyagoo ka xoreeyay qayb ka mid ah magaalada Sinjar ka hor dhamaadka sanadka. November 13, 2015, maalin kadib markii ay qaadeen weerar labaad, ciidamada Kurdiyiinta iyo Yezidiyiinta oo ay taageerayaan duqeymaha cirka ee isbaheysiga, ayaa si buuxda ula wareegay gacan ku heynta Sinjar oo ay gacanta ku hayeen Daacish.

Daacish ayaa looga adkaaday Ciraaq iyo Suuriya, balse lama burburin. Dagaalku wuu sii socdaa. Waa dagaal lagu doonayo ilbaxnimada, kana dhan ah wax ilbaxnimada ka soo horjeeda. Ma jirin meel dagaalkaasi si cad loogu muujiyay oo aan aheyn Sinjar.

XS
SM
MD
LG