Accessibility links

Breaking News

Dalalka America oo kasoo kabanaya laba sano oo xun


Tani waa faallo ka tarjumeysa aragtida dowladda Mareykanka

Dunidu waxay la dhibaataysnayd laba sanadood oo hore oo uu jiray xanuunka Coronavirus, kaasi oo keenay xayiraadihii bulshada, Kaarantiinkii dadka lagu soo rogay, iyo burbur dhaqaale oo ka dhashay.

Mana jiro wadan ama gobol ka badbaaday saamaynta dhaqaale iyo bulsho ee uu keenay Coron-nuhu, balse America ayaa ugu sii darnayd marka la eego kor u kaca heerka sabool nimada ilaa dhalinyaro badan oo shaqooyin wayday.Ayuu yidhi Antony Blinken, xog-hayaha arrimaha dibadda ee Maraykanku.

Xoghaye Blinken ayaa intaasi sii raaciyay in markasta oo dadka gobolku sii dareemaan caqabadahan la kulmaya noloshooda maalin laha ah, waa markasta oo ay u sii baahanayaan talaaboyin wax tar ah oo dawladnimo.

Waa sababta hey’addaha dawliga ah iso kuwa gaarka loo leeyahay ee Maraykanku ay wali u sii wadaan inani maalgalin ku sameeyaan kaabe yaasha wax soo saarka dhaqaalaha si ka badan sida uu wadankasta oo dunida ahi ugu dedaalayo, waxay kobcinayaan fursadaha dhaqaale marka laga bilaabo $10 billion oo ay waaxda horumarinta dhaqaalaha maraykanku galisay mashaariic dulsaarkoodu aad u yar yahay oo la siinayo haweenka ganac satada ah, tusaale ahaan dawladda maraykanku waxay $1.3 trillion ku bixisay caawimaadda sanadlaha ah ee dibadda oo ayb siisay wadamada qaaradda America.”

Wadankan Maraykanku waa maal-galiyaha ugu wayn gobolka, dabcan sidoo kale na taxa jira wadamo kale oo bixiya maalgalinta mashaariic kala duwan.

XS
SM
MD
LG