Accessibility links

Breaking News

Xizbullah waa in lala xisaabtamaa


A Hezbollah fighter waves his group's flag as he attends an election rally in a southern suburb of Beirut, Lebanon, May 10, 2022.
A Hezbollah fighter waves his group's flag as he attends an election rally in a southern suburb of Beirut, Lebanon, May 10, 2022.

Tani waa Faallo ka turjumaysa aragtida dawladda Maraykanka

Dawladda maraykanku waxy ugu baaqday wadamada casalamku inay cunaqabatayn ku soo rogaan ururka argagixisada ah ee Xisbullah ee ay Iran taageerto.

Baaqan Maraykanka ayaa yimi xili ay ku beegan tahay snadguuradii weeraradii ay Xisbullah qaadeen laba jeer oo kala duwan oo ka hore ahaa july 18,1994, kaasi oo ay duqayn u gaysteen xarun ay lahaayeen bulshada Yuhuuddu.

Ka labaadna uu ahaa 18 sano kadib xili ay weerar bamboeyin aya ku qaadeen Bus ay saarnaayeen dalxiise yaal reer Israel ah oo ku sugnaa Bulgaria.

Weerarka hore ee lagu qaaday xarunta bulshada Yuhuudda ee ku taalay Argentine waxa ku dhintay 85 qof , waxana ku dhaawac may boqolaal qof oo kale, halka weerarka lala beegsaday Israeliyiinta Bulgaria ku sugnaa ay ku dhinteen 5 qof oo uu ku jiro wadihii gaadhiga oo Bulgaria u dhashay, waxana ku dhaawacmay 45 dhalinyaro ah oo Israel ka soo jeeday.

Labada weerarba waxa la qaaday iyada iyada oo ay taageerayaan saraakiil Iranian ahi, sida uu sheegay Ned Price oo ah Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Maraykanka oo warbixin soo saaray.

“Saraakiil sar sare oo ka tirsan dawladda Iran ayaa si tous ah u tabantaabinayay weerarada, ururka Xisbullah na waxay weerarada gaysteen iyaga oo ay hagayaan mbadaxda Iran” ayuu yidhi Ned Price.

Deborah Lipstadt, oo ah ergeyga Marfaykanka oo Argrntine ku sugnayd xuskii sanad guurada, ayaa sidoo kale ku celisay in Mareaykanku taageerayo cid kasta oo masuuliyad iska saaraysa soo helida kuwii gaystay ficiladaa arxan darrada ah.

Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda maraykanka Ned Price, ayaa sidoo kale sheegay in Maraykanka ay ka Golan tahay la xisaabtanka Xisbullah iyo saraakiisha Iran ee saamaynta ku lehba.

XS
SM
MD
LG