Accessibility links

Breaking News

Hadafyada iyo qiilka is-beddelaya ee Ruushku u sameynayo duulaanka Ukraine


Tani waa Faallo ka turjumaysa aragtida dawladda Maraykanka

Khasaarihii ka dhashay gardaradii Ruushku ku weeraray Ukraine oo wali sii socda ayaa sababay dhimashada kumanaan qof rayid ah iyo tiro ka badan oo ku dhaawacantay, halka Malaayiin kale na ay barakaceen, waxa dumay goobo taarikhi ahaa iyo magaalooyin baa’ba ay, Waxa cirka isku shareeray qiimihii muceeshadda dunida, waxa dhacday cunto yaraan dunida oo dhan.

Sida uu sheegay xoghayaha arrimaha dibadda maraykanka Antony Blinken.

Blinken, wuxuu intaasi ku soo daray in Puntin uu ku guuldaraystay yoolkiisii, Ukraine na ay wali tahay dal madax banaan, xornimadeeda iyo madaxbanaanideedana ay sii haysan doonto.

Mr. Blinken, ayaa sheegay in dhabar adayga military ga iyo shacbiga reer Ukraine iyo taageerada maraykanka iyo saaxiibadii la grab joogaan ay siinayso awooda ay dalkooda ku difaacanayaan, maraykanka iyo xulufadiisuna waxay siinayaan kaalmo kasta oo lagama maarmaan u ah, si ay xornimadooda u difaacdaan.

Wararka ugu dambeeya ee ka soo baxaya aqalka Kremlin ka ee Ruushka looga taliya ayaa muujinaya in Ruushku doonayo inuu qabsado degaamo hor leh oo ka tirsan Ukraine.

Markii ugu horaysay ee dagaalku bilawday Ruushku waxay sheegteen meelo ka mid ah Ukraine, intaa kadibna waxay mar marsiiyo ka dhiganayeen NATO ayaa taageeraysa, kadibna waxay yidhaahdeen dagaalkani waa mid lagu ilaalinayo dad asal koodu Rassia ka soo jeedo oo ku nool Donbas oo la xasuuqayo, ka hor intaanay gaadhin magaalada ugu wayn Ukraine ee lagaga hadlo aska Ruushka ee Kharkiv.

Waxaas oo dhamina waxay tusayeen damaca Putin ee uu rabo in ay Ukraine tahay dal aan madax banaanayn”

Xoghayaha arrimaha dibadda maraykanka Mr. Blinken, ayaa sheegay in Russia ay daba socoto qorshihii isku dayga ahaa ee 2014, uu qalalaasaha aan sharciga ahayn ka sameeyay meelo ka mid ah Ukraine iyagoo dadka ku qasbayay inay dhalashada Ruushka qaataan.

“In lagu dhaganaado shuruucda iyo xeerarka caalamiga ah ayaa damaanad qaadaya masuuliyadda in Ruushku dib uga noqdo qorshe yaasha ay doonayso dawladda Russia , isla markaana aan la aqoonsan ficilada sharci darada ah ee ay rabaan, hadi kale ma jiri doonto cid ay lama filaan ku noqonayso marka Ruushku sii raaco qorshe yaasha uu dhigtay , amaba wadan kale kaga daydo inuu sidaa u dhaqmo mustaqbalka”

XS
SM
MD
LG