Accessibility links

Breaking News

Caro ka dhalatay dilka dhaqaaqayaasha siyaasadda Burma


Tani waa faallo ka tarjumeysa aragtida dowladda Mareykanka

Mareykanka ayaa ku biiray dalalka iyo ururrrada caalamka ee muujinaya sida ay uga xun yihiin xukunno dil ah oo taliska milatariga ee Burma uu ku fuliyey afar qof oo u dhaqdhaqaaqa siyaasadda dalkaasi.

“Mareykanka waxuu si xoog leh u cambaareynayaa xukunnada toogashada ah ee maamulka milatariga ee Burma ay ku fuliyeen dadka u ololeeya dimoqraadiyadda iyo hogaamieyaasha la doortay ee Ko Jimmy, Phyo Zey Thaw, Hia Myo Aung, iyo Aung Thura Zaw, kuwaas oo loo dilay gudashada xorriyadooda aasaasiga. ” ayuu bayaan uu soo saaraay ku yiri xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Antony Blinken.

Wuxuu xusay tan iyo intii Burma uu ka dhacay afgambiga bishii February ee 20221-kii, in taliska uu sii waday taccadiyada uu kula kacayo dadkiisa, wuxuu dilay 2,100 ruux, barakicayay in ka badan 700,000 qof iyo inuu xabsiga dhigay kumanaan dad ah oo ay kujiraan xubno ka tirsan bulshada rayidka iyo wariyeyaal.

Toogashada afarta ruux ee u ololeysa dimoqoraadiyadda ayaa dhacday kadib markii dacwad ay kusoo oogtay maxkamad ay milatariga xukumaan.

Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka Ned Price oo ka hadlay shir jaraa’id ayaa xukunnada dilka ah ku tilmaamay wax fool xun oo xadgudub ku ah xuquuqda aadanaha, wuxuu ugu baaqay dhamaan dalalka ay xulufada yihiin inay kula biiraan cambaareynta ficillada malitariga iyo inay kordhiyaan cadaadiska lagu hayo nidaamka iyo taageerayaashiisa.

“Ma jiri doono wax macaamil ah oo sidii caadiga aheyd loola yeelanayo nidaamka, waxaan ku boorrinaynaa dhamaan waddamada inay mamnuucaan in agab milatari ay ka iibiyaan Burma, si ay uga fogaadaan inay u ogolaadaan taliskani heer kasta oo sumcad calami ah uu ku helayo, sidoo kale waxaan ugu baaqayeynaa ururka ASEAN ee ay ku bahoobeen dalalka koofur-bari Asia, inay sii wadaan muhiimaddooda ay tusaalaha ku yihiin iyagoo kaliya u ogolaanaya dadka aan siyaasadda ku lugta laheyn shirarka gobolka.” ayuu yiri Price.

Afhayeenka waaxda arrimaha dibadda Price ayaa sidoo kale sheegay in dhamaan xulashooyinka ay miiska saran yihiin si loo jaro dhaqaalaha taliska iyo awoodda uu ku sii wadayo xadgudyada ka dhanka ah dadkiisa. Wuxuu intaasi ku daray in Mareykanka uu kala shaqeyn doono saaxiibada ay bah-wadaagta yihiin in la xaqiijiyo tallaabooyin dheeraad ah oo cadaadiska ugu sarreeya lagu saarayo nidaamka, kuwaas oo aan ku wajahneyn dadka Purma.

“Mareykanka wuxuu ku garab taagan yahay shacabka Burma raadinta xorriyadda iyo dimoqoraadiyadda, wuxuuna ugu baaqayaa Taliska milatariga inay ixtiraamaan rabitaanka dimoqoraadiyadda ee dadka, kuwaas oo muujiyay inaysan dooneysin in hal maalin oo kale ay ku hoos noolaadaan xukunka milatariga. ” ayuu yiri xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Antony Blinken.

XS
SM
MD
LG