Accessibility links

Breaking News

Caruurta waa in laga ilaaliyaa dagaallada hubeysan iyo xadgudubyada xuquuqda aadanaha


Jeffrey DeLaurentis
Jeffrey DeLaurentis

Tani waa faallo ka tarjumaysa aragtida dowladda Mareykanka

Iska hor imaadyada hubaysan ayaa saameyn xun ku yeeshay carruurta yar yar sida lagu sheegay warbixn ay soo saartay Qaramada midoobay 18-kii July, waxaa jiray 23,982 kiis oo ah xagdudbyo waaweyn oo ka dhan ah carruurta ,kuwaas oo la diiwaan galiyay sanadkii 2021, iyadoo sadax meelood meel kamid ah carruurta dhibanayaasha eek u xusan ay gabdho ahaayeen.

Afduubka iyo xagdudubka galmada ee ka dhanka ah carruurta ayaa kordhay 20 boqolkiiba sanadkii lasoo dhaafay, iyadoo gabdhaha ay ahaayeen 98 boqolkiiba kuwa ka badbaaday kufsi iyo tacaddiyada kale ee la xiriira jinsiga.

“Warbixinta sanadlaha ee carruurta iyo isku dhacyada hubaysan ayaa bixinaysa sawir muujinaya sida colaadda ay u saameyso carruurta. “ ayuu yiri danjire Jeffrey DeLaurentis, oo ah la taliyaha arrimaha siyaasadda gaarka ah ee Mareykanka.

Wuxuu xusay in Gudaha Ethiopia kumanaan carruur ah xoog looga barakiciyay guryahooda islamarkaana laga fogeeyay qoysaskooda iyo kuwaas lagula kacay tacaddiyo galmo.

Si lamid ah Yemen, colaada waxay carruurta soo gaarsiisay dhibaatooyin xoog leh oo ay kujiraan ilmo badan oo la dilay, qaar la naafaayeey halka kuwa kalena ay wajaheen taccadiyo dhinaca galmada ah, iyo in la ciidameeyay iyadoo loo adeegsaday dagaallada.

Danjiraha ayaa sidoo kale sheegay in duullaanka arxan darrada ee Ruushka uu ku qaaday Ukraine uu qeyb kale oo mugdi ah ku kordhiyay xad-gudubyada lagula kacay ilmaha.

Waxaa sii kordhaysa halista ay wajahayaan carruurta ku nool Ukraine, iyadoo xoogagga Ruushka ay madaafiic ku garaaceen tiro isbitaallo iyo iskuullo ah. Ciidamada Moscow ayaa lagu soo warramayaa in si qasab ah ay in ka badan hal million oo ruux oo shacabka Ukraine ah ugu tarxiileen Ruushka, kuwaas oo ay kjiraan in ka badan 260,000 oo carruur ah oo waalidkood laga fogeeyay.

Dhinaca kale wakiilka Ruushka u qaabislan xuquuqda carruurta ayaa ku nuuxnuuxsaday dadaallada cusub ee Aqalka Kremlin-ka si ay dhaqso kula socdaan korsashada ilmaha laga qaaday Ukraine ee gudaha Ruushka.

Waxaa sidoo kale jira waxoogaa war wanaagsan ah, sida ay ku warramayso warbixintaasi, 12,214 carruur ah ayaa laga soo sii daayay kooxo hubaysan oo ku sugan dalal kala duwan oo ay kujiraan Central African Republic, Colombia, iyo Democratic Republic of the Congo, islamarkaana xabbad joojinta binu’aadanimo ee ka dhacday wuqooyiga Ethiopia waa mid dhiirri-gelin leh, si lamid xabad joojinta ka dhaqan gashay Yemen.

Rajada waa in dhamaan dhinacyada ay ka faa’iideystaan qaboojinta colaadda si ay horay ugu dhaqaaqaan wadaxaajoodyo lagu gaarayo xabbad joojin waarta.

Si kastaba ha ahaateen, “waa mid iska cad inaanan sameynin wax ku filan si looga ilaaliyo carruurta saameynta colaadaha,” ayuu yiri Danjire DeLaurentis isagoo sii raaciyay “Markaan qaadeyno tallaabooyinka aan ku ilaalinayno carruurta, waxaan ilaalinaynaa mustaqbalkeenna waxaana si firfircoon u qaadeynaa tallaabooyinka lagu soo afmeerayo dagaallada. Ilaalinta carruurta ayaa muhiim u ah dhowrista nabadda iyo ammaanka caalamiga ah.”

XS
SM
MD
LG