Accessibility links

Breaking News

Ayman Al-Zawahiri wuu geeriyooday


د القاعده شبکې مشر ایمن الظواهري په کابل کې د امریکا په هوايي برید کې ووژل شو
د القاعده شبکې مشر ایمن الظواهري په کابل کې د امریکا په هوايي برید کې ووژل شو

Tani waa faallo ka tarjumaysa aragtida dowladda Mareykanka.

Ayman al-Zawahiri oo ahaa Hogaamiyihii Alqaacidda islamarkaana kamid ahaa argagaxisada loogu doonista badnaa caalamka ayaa lagu dilay weerar 30-kii July ay fuliyeen dayuuradaha aan duuliyaha lahayen ee Mareykanka ku, isagoo markaasi ku sugnaa barandada gurigiisa oo ku yaalla magaalada Kapul ee caasimadda Afghansitan.

Al-Zawaihiri oo muddo dheer ahaa gacanta midig ee Osma Bin Laden iyo ninka labaad ee ugu awoodda badan Alqaacidda, ayaa door weyn ku lahaa qorsheynta weerarro argagagixo oo caan ah.

Wuxuu ahaa ku xigeenka Bin Laden, Markii uu dhacayay weerarkii argagaixiso ee ee September 2001 sidoo uu sheegay, madaxweynaha Joe Biden.

“Wuxuu si qoto dheer ugu lug lahaa qorsheynta weerararradii 9/11, isagoo kamid ahaa kuwa ugu waaweyn ee ka ka dambeeyey weerradaasi oo lagu dilay 2,977 ruux gudaha Mareykanka, muddo tobanaan sano ah wuxuu ahaa maskaxdii ka dambeeysay weerarro ka dhan ah Mareykanka oo uu ay jireen, weeerarkii sanadkii 2000 lagu qaaday markabkii USS COLE, kaas oo lagu dilay 17 askari oo Mareykankan ah laguna dhaawacay in ka badan darsanno. Wuxuu door weyn ka cayaaray, qaraxyadii saafaraadaha Mareykanka ee Kenya iyo Tanzania oo lagu dilay 224 ruux laguna dhaawacay in ka badan 4,500 oo qof oo kale, ” ayuu yri madaxweyne Biden.

Kadib markii uu Mareykanka howlgal ku dilay Osma Bin Laden bishii May ee sanadkii 2011, Zawahiri wuxuu la wareegey hogaaminta ururka Alaqaacidda.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa sidoo kale sheegay markii la dilay Bin Laden, in Zawahiri oo dhuumanaya uu isku dubariday laamaha Alqacidda ee dunida isagoo dajinayay mudnaanta, iyo bixinta hagidda howlahooda ku baaqayay weerarro ka dhan ah Mareykanka, iyo inuu sameeyay muuqaalo ay kjiraan kuwo uu duubay todbaadyada u dambeeyay oo ugu baaqaya kuwa taabcsan inay weeraraan Mareykanka iyo xulafadiisa.

Biden ayaa sidoo kale yiri, “kadib markii si hagar la’aan ah aan sanado badan ugu raad joognay Zawahiri muddadii maamullada Obama iyo Trump, hay’adaheenna sirdoonka waxay horraantii sanadkaan ogaadeen halkii uu daganaa. Wuxuu u guuray bartamaha magaalada Kapul si uu ula midoobo xubno kamid ah qoyskiisa. ”

Madaxweyne Mareykanka oo markii uu si taxaddar leh u dhugtay caddeymaha lagu qanci karo ee sheegaya goobta uu ku sugnaa ayaa bixiyay amarkii lagu fuliyay weerarkii lagu dilay Zawihiri.

“Howlgalkan wuxuu ahaa mid si taxaddar leh loo qorsheeyay iyadoo si adag loo yareeyay qatarta iyo waxyeellada dadka kale ee rayidka. Todobaad ka hor markii liigula taliyay in xaaladaha ay ahaayeen kuwa sugan, ayaa waxaan bixiyay amarkii u dambeeyay ee ah inay ku dhaqaaqaan, howlgalkana wuxuu noqday mid guulaystay. Ma jirin qof ka tirsan qoyskiisa oo wax ku noqday mana jirin khasaare soo gaaray raidka.”

Wuxuu kaloo yiri, “Hadda caddaaladii ayaa adeegtay, mana jiro hogaaminayahan argaixisada, mar dambe looma baahna in dadka adduunka ku nool ay ka baqaan dilaaga aan naxariista kaheyn ayuu sii raaciyay. ”

Madaxweynaha ayaa ku nuuxnuuxsaday, in Mareykanka uu sii wadayo muujinta ka go’naanshaha awooddiisa uu muwaadiniinta Mareykanka kaga difaacayo kuwa doonaya inay waxyeello u geystaan.

XS
SM
MD
LG