Accessibility links

Breaking News

Mareykanka oo si rasmi ah u ansixiyey ku biirista Finland iyo Sweden ee NATO


Tani waa faallo ka tajumeysa aragtida dowladda Mareykanka

Mareykanka ayaa siisey ogolaanshiisa rasmiga ah dalalka FIland iyo Sweden si ay ugu biiraan ururka Waqooyiga Atlanta. Bshii August 9, keedii, Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa waxuu saxiixey Ogolaanshaha Mreykanka, taasoo ka dhigaya waddankii 23-aad ee NATO ka mid ah si uu ugu ansaxiyo Codsiga Labada waddan ee Waqooyiga Yurub si ay ugu biiraaan Isbahaygsiga difaaca ugu xoogan, ug una awooda balaaran Adduunka ee NATO.

Ayagoo ka tagaayo doorkoodii dhexdhexaadinada ee Muddada dheer, Filand iyo Sweden waxay doonayaan inay ku biiraan NATO bisha Maarso kadib markii la arkay madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin inuu ku qaadey dagaal naxariis aan lahayn oo u uku qaadey Ukraine.

“Putin Waxuu mooday inuu na kala jejibn karo” ayuu yiri Madaxweyne Biden, “aragtayda, Wiiqi go’aankeena. Taasi bedelkeedana waxuu helayaa wax uusan qaadan lahayn oo uusan rabin.”

Madaxweyne Biden waxuu ku booriyay Xulufada NATO intooda kale ee aan wali ansaxini Labadan dal ee Sweden iyo Filand inay si deg deg ah u sameeyaaan tilaabada ay dowlada Mareyknaka qaadey mid la mid ah. “Sweden iyo Filand waxey leeyihiin dhaqaale Xooggan oo hufan. Waxayna buuxin donaan sharuud kasto oo NATO ah..Waxey ka dhigi karaan Isbahaysigeena mid xoogan”

Madaxweyne Biden waxaa uu xusey dalabyada labada dal ee xubinmada NATO ay si weyn u tageereen Labadda Xisbi ee Senate-ka Mareykanaka, sida lagu muujiyey codbixintii Senate-ka ee Ogoosto Saddexdeedii. Waxaa uu sheegay in taageeradasi ay soo dirtay Farriin: “Annnaga oo la kaashanayna xulafadayyada iyo asxaabteena, Waxaan dib u qori doonaan Mustaqbalka waxaan rabnaa inaan aragno.iyo daqiiqad markii Putin Ruushka u uku burburiyey nabadda iyo amniga Yurub, marka Madaxnnaanidu ay caqabad ku y8ihiin asaaska nidaamka ku salaysan, xoogga isbahaysiga Transatlantic iyo ballanqaadka America ee NATO ayaa ka muhiimsan sidii waligeed ahayd.”

Madaxweyne Biden waxuu tilmaamay in raadinta ku biirista NATO, Finland iyo Sweden ay sameynayaan “ ballanqaadka Muuqadas ah” oo ku saabsan xudunta Isbahaysiga NATO-Qodobka 5 aad, kaasoo ka dhigaya xubin kasta oo xubin ka ah difaaca wadajira ah: In hadii weerar ka dhan ah xubin naga mid ah uu yahay mid ka dhan ah dhamaan xubnaha ururka.

“Maanta waxan si cad u aragnaa sida NATO ay weli ugu sii ahaanayso Isbahaysiga lagama maarmaanka u ah adduunka manta iyo Mustaqbalka berri ba” ayuu yiri Madaxweyne Biden. “Marka Finland iyo Sweden ay tirade xulufada ka dhigaan 32, Waan kasii xoog badnaan doonaa sidii hore. Taasi na waxay anfaci doontaa dhamaan dadkeenna.

XS
SM
MD
LG