Accessibility links

Breaking News

Aung San Suu Kyi oo mar kale la xukumay (Markii saddexaad uguna dambeysay)


Faalladani waxay ka tarjumaysaa aragtida dowladda Mareykanka.

Maxkamad militari oo ku taal dalka Burma ayaa lix sano oo xarig ah ku xukuntay hogaamiyaha dimuquraadiyadda doonka ah Aung San Suu Kyi kadib markii lagu helay afar dambi oo kale oo musuqmaasuq ah. Waxaa markii hore la xiray ka dib afgambi militari bishii Febraayo 2021, markii xisbigeeda National League for Democracy uu ku guuleystay doorasho aqlabiyad ah.

Xukunkii ugu dambeeyay ee lagu soo oogay haweenaydaan ku guulaysatay abaalmarinta Nobel, ayaa ka dhigaya 17 sano oo xabsi ah. Wali waxaa socda maxkamado lagu eedaynayo sagaal eedo oo kale kuwaas oo lagu xukumi karo ugu badnaan 122 sano. Aung San Suu Kyi waa mid ka mid ah in ka badan 15,000 oo qof oo loo xiray inay ka soo horjeedaan xukunka militariga ee Burma, waxaana 12,000 oo ka mid ah ay weli xabsiga ku jiraan, sida uu sheegay Ururka Caawinta NGO-ga ee maxaabiista siyaasadeed.

Qaar badan oo ka mid ah dadka xabsiga la dhigay ayaa jirdil iyo xukuno kala duwan ay ku rideen maxkamada ciidamada qalabka sida kadib markii ay soo xirmeen dacwado la xiriira qareenada difaacaya iyo shacabka. Maxaabiista la xukumo ayaa inta badan loo gudbiyaa xabsiyo fogfog, taasoo ku abuurta dhibaato dheeraad ah iyaga iyo qoysaskooda, sida ay qabaan kooxda maxaabiista siyaasadeed.

Kadib markii la daldalay afar qof oo u dhaqdhaqaaqa dimuqraadiyadda bishii July, oo ay ku jiraan qoraa iyo qof u dhaqdhaqaaqa dimuqraadiyadda U Kyaw Min Yu (sidoo kale loo yaqaan Ko Jimmy) iyo fanaankii hore ee hip-hop iyo xubin baarlamaanka U Phyo Zeya Thaw, taliskii Burma ayaa ku hanjabay dal-dalaad badan. Tan iyo afgambiga, in ka badan 70 maxbuus siyaasadeed ayaa lagu xukumay dilka.

Xubnaha saxafada ayaa sidoo kale lagu bartilmaameedsaday talisku. Ugu yaraan 55 saxafi ayaa hadda xiran, sida ay sheegtay kooxda u dooda xuquuqda wariyaha la xiray ee Myanmar. Bishii July, weriye Ko Maung Maung Myo oo ka tirsan wakaaladda wararka ee madaxa banaan ee Mekong ayaa lagu helay dambi ah inuu jabiyay sharciga la dagaalanka argagixisada waxaana lagu xukumay lix sano oo sawiro iyo waraysiyo uu la yeeshay kooxaha ka soo horjeeda maamulka.

Intaas waxaa dheer, filim sameeye u dhashey Japan oo Turo Kubota ayaa la xiray wuxuna wajahayaa toddobo sano oo xabsi ah kadib kicin dadweyne iyo xadgudubyo kale oo lagu eedeeyey oo xagga sharciyada socdaalka.

Xarigga, xukunka iyo xukunka aan cadaaladda ahayn ee taliska militariga Burma ee Aung San Suu Kyi wuxuu meel ka dhac ku yahay cadaaladda iyo sharciga. Maraykanku wuxuu ugu baaqayaa taliska inuu si degdeg ah u sii daayo Aung San Suu Kyi iyo dhammaan dadka sida xaq-darrada ah u xiran, oo ay ku jiraan saraakiil si dimoqraadi ah loo soo doortay iyo ajaanib.

Maraykanku wuxuu sii wadaa inuu ku boorriyo taliska milatariga inuu joojiyo rabshadaha, u oggolaado helitaanka bini'aadantinimo oo aan la carqaladayn, iyo soo celinta waddadii Burma ee dimuqraadiyadda.

XS
SM
MD
LG