Accessibility links

Breaking News

Caawinta dadka Itoobiya, Kenya iyo Soomaaliya


Faalladani waxay ka tarjameysaa aragtida Dowladda Mareykanka

Ku dhawaad 20 milyan oo ruux oo ku nool Geeska Africa ayaa hadda wajahaya qalalaaso cunto yari. Gobolka ayaa dhibane u noqday afar abaar oo is xig-xiga oo daboolay mandiqadda, abaarti shanaad ayaa hadda laga cabsi qabaa in ay garaacdo bisha October.

“Mandiqadda Geeska sannadkiiba waxaa ka da’da laba xilli roobaad,” sidaa waxaa tiri Maamulaha Wakaaladda Horumarinta Caalamiga ah ee Mareykanka ee loo soo gaabiyo USAID haweeneyda lagu magacaabo Samantha Power, taas oo dhawaan booqasho ku tagtay deegaannada ay abaaruhu saameeyeen ee dalalka Somalia iyo Kenya. Marki ay Washington ku laabatay ayay sheegtay, in tani ay tahay marki ugu horreysay taariikhda Geeska Africa oo ay mandiqada isu marto abaar soo noqnoqatay afar xilli oo isku xiga.

“Maanta dhulkii daaqsinka lahaa ayaa isu baddalay, xoolihii waxay u dhamaanayaan cudurro, waqtigaan la joogo, ugu yaraan 7 milyan oo xoolo ah ayay abaartu ku laysay dalalka Ethiopia, Kenya, iyo Somalia. Malahan biyo ay oonka isaga gooyaan ama caws lagu quudiyo.” Ayay tiri Power.
Iyada oo u mareysa hey’adda USAID, ayay Dowladda Mareykanka bixineysa kaalmo bani’aadannimo oo aad muhiim ugu ah deegaannada ay abaartu sida dan u saameysay ee dalalka Soomaaliy, Itoobiya iyo Kenya.

Kaalmadaas ayaa ku kaceysa lacag dhan $1.2 billion. Maalgelin lagu sameeyo howlaha bani’aadannimo ee deg degga ah ayaa muhiim u ah badbaadinta nolosha dad badan.

Sannadkaan oo kaliya, dalka Itoobiya, Dowladda Mareykanka waxay ku caawisay deeq lacageed oo dhan $668 million oo mucaawino loogu gaday dad gaaraya 8.1 million oo ruux, kuwaas oo ay noloshooda khatar gelisay abaar taariikhi ah. Kenya, abaarta ayaa ku riixday ilaa afar milyan oo ruux in ay qarka u fuulaan macluul.

Bulshooyinka ku nool dhulka qallalan iyo kuwa u dhaw dhaw ayay abaartu si xun u taabatay. Dhamaadki May ilaa 70 boqolkiiba dalagyadi ayaa baaba’ay, waxaa bar bar socday dhimashada 2.4 milyan oo xoolo ah.

Hey’adda USAID ayaa siineysa dadka reer Kenya ku dhawaad $255 million oo kaalmo deg deg ah oo loogu gadayo cunto iyo agabyada kale ee lagama maarmaanka u ah howlaha bani’aadannimo.

Dalka Soomaaliya, qalalaasahaan abaareed ayaa saameeyay nolosha ilaa 7.1 milyan oo ruux. In ka badan 3 milyan oo xoolo ah ayay gallaafatay abaarta, halka 1.4 milyan oo carruur ah ay wajahayaan nafaqa-darro aad u daran ilaa dhamaadka sannadka.

USAID ayaa ku bixineysa lacag dhan $476 million oo lagu maalgelinayo kaalmooyinka bani’aadannimo ee loogu tala galay dadka Soomaaliya, taas oo ka dhigeysa kharajka ay Dowladda Mareykanka mucaawino ahaan u gelisay sanadkaan Soomaaliya, in ka badan 707 milyan oo dollar.

Gargaarkaan aadantinimo ayaa caalamad u ah sida ay Dowladda Mareykanka uga go’antahay in ay sii waddo caawinta dadka dalalka Ethiopia, Kenya, iyo Somalia. “Waxaan ugu baaqeynaa dowladaha kala ee bah-wadaagta nala ah, in ay nagula soo biiraan oo ay xoojiyaan ballan-qaadkoda ah sidi looga hortagi lahaa macluul baahsan iyo dhimashada malaayiin ruux,” ayay tiri Power.

XS
SM
MD
LG