Accessibility links

Breaking News

Fursad ka jirta Sudan


Faalladani waxay ka tarjameysaa aragtiada Dowladda Mareykanka

Taliyaha Millatariga Sudan ahna Guddoomiyaha Golaha Guud ee Madaxa-bannaan Abdel-Fattah Burhan ayaa dhawaan ku dhawaaqay, in millatariga uu faraha qaadi doono ka qeybgalka wada-hadallada siyaasadda isla markaana uu ka wada bixi doono saaxadda siyaasadda marka xisbiyadda siyaasadeed ee rayidka Sudan ay dhisaan dowlad kumeel-gaar ah.

Haddii millatarigu uu raaco ballan-qaadkaasi, xisbiyadda dimoqraadiga ee Sudan ayaa ayay u sahlanaan doontaa in ay isku-duba-ridaan dowlad dimoqraaddi a, taas oo kasoo billaabatay kacdoon dadweyne oo ugu danbeyntii sababay inuu dhaco hogaamiyihii macangagga ahaa ee dalkaasi muddada dheer soo xakumay, Omar al-Bashir. Al Bashir ayaa xakunka xoog looga tuuray sannadki 2019-ki.

Xaaladda kala guurka waxaa sideed bil ka hor xagal-daaciyay afganbigii uu sameeyay General Burhan. Waxaase raacay dibadbaxyo waaweyn kuwaas oo hase yeeshee la kulmay rabshado, dulmi iyo waliba xoog cad oo mararka qaar ay taliska millatariga adeegsaneyeen.

Kaddib la wareegsitii awoodda ee millatariga, waxaa ceel-dheer kusii dhacay dhaqaalihi waddanka oo marki horeba dhaxda uga jiray qalalaase qoto-dheer. Ismari-waaga siyaasadeed ayaa si togan u saameeyay maalgashigii shisheeye iyo ganacsigi caalamiga ahaa.

Bayaan ay si wada jir ah u soo wada saareen, Midowga Yurub, Norway, UK iyo Mareykanka, ayay ku qireen, ku dhawaaqista General Berhan ee ah in millatarga uu doonayo inuu awoodda dib ugu celiyo rayidka.

“Milatariga iyo ciidanka ammaanka waa in ay ka dhabeeyaan ballan-qaadkaan, waa in sidoo kale ay dhameeyaan rabshadaha ka dhanka ah rayidka isla markaana ay kula xisaabtamaan kuwa masuulka ka ah dilka aanan sharciga ku saleysneyn iyo xadgudubyada kale ee ka dhanka ah aadanaha.” Ayaa lagu yiri bayaanka.

Midowga Yurub iyo dalalka UK, Norway iyo Mareykanka ayaa ugu baaqay dhammaan dhinacyada ku lugta leh geeddi socodka dimoqraadiyadda Sudan “in ay si deg deg ah u billaabaan wada hadal loo dhanyahay si loo dhiso dowlad rayid ah oo ku meel-gaar ah.” Waxay hoosta ka xarriiqeen baahida loo qabo jadwal cad oo lagu gaaro doorasho xor iyo xalaal ah oo ka dhacda Sudan, hannaanka soo xulista ra’isulwasaare kumeel gaar ah iyo saraakiisha kale ee muhiimka ah.

“Ku dhawaad muddo saddex sano ah tan iyo marki ay Sudan billowday xaaladda kala guurka ee ee dimoqraadiyadda, waxaan si qoto dheer uga xunnahay dilalka sii socda iyo dib u dhacyada dhaqaale iyo siyaasadeed,” ayay ku yiraahdeen bayaankooda.

Waxay intaasi raaciyaeen “Waxaan bogaadineynaa sida ay shacabka Sudan ugu go’doomeen nabadda iyo sidoo kale in la sharfo naf-huriddii kuwi noloshooda ku waayay taageeridda dimoqraadiyadda. Dalalka daneeya Sudan iyo Miwoga Yurub waxay rajeynayaan in ay taageeraan dowlad rayid ku meel gaar ah, taas oo heysata kalsoonida shacabka kana tarjanta rajada iyo hanka aan wadaagno shacabka Sudan.”

XS
SM
MD
LG