Accessibility links

Breaking News

Xoogaa abaalgud ah oo ay helayaan Reer Nigeria


Tani waa faallo ka tarjameysa aragtida Dowladda Mareykanka

23-ki August, Dowladaha Mareykanka iyo Nigeria ayaa kala saxiixday heshiis dib loogu celinayo Nigeria lacag cadadkeedu gaarayo 23 milyan oo doollarka Mareykanka ah.

Lacagtaan waxay qeyb ka ah lacago tiro badan oo la musuq-maasuqay inti lagu guda jiray xakunkii millatari ee dowladdii madaxweynihi hore ee dalkaasi General Sani Abacha, kaas kasoo arrimiyay laga soo billaabo 1993 ilaa dhimashadiisii sannadki 1998.

Inta badan ma dhacdo in lacag uu ka xaday ama ay ka xadday dadkeeda in inta lasoo helo dib loogu celiyo shacabka, balse dadka Nigeria ayaa hadda ku faa’iidi doono dhacdadaan dhifka iyo naadirka ah.

Marka lagu daro lacagta hadda la celinayo, Mareykanka ayaa ogolaaday inuu Nigeria dib ugu celiyo dhamaan lacagti uu dhacay Abacha taas oo gaareysa $334.7.

Sida laga soo xigtay Waaxda Caddaaladda Mareykanka, “General Abacha, wiilkiisa Mohammed Sani Abacha, nin ay shirko ahaayeen oo la yiraahdo Abubakar Atiku Bagudu iyo kuwo kale ayaa lunsaday, si qaldan ugu takri-falay isla markaana baaday balaayiin lacago ah oo ay ka qaateen qasnadaha Dowladda Nigeria iyo kuwo kale, kaddibna si sharci darro ah ugu shubto bankiyo ku yaalla Mareykanka.”

Lacagtan ugu danbeysay ee gaareysa 23-ka milyan ee dollar ee kaashka ah waxaa laga helay akown ku yaalla Ingiriiska, kaddib marki la aqoonsaday ayey dowladda Mareykanka xayirtay.

Sida uu dhigayo heshiiska lagu saxiixay Abuja ee ay qalinka ku wada duugeen safiirka Mareykanka ee Nigeria Ambassador Mary Beth Leonard iyo Xeer-ilaaliyaha Guud ee Nigeria General Abubakar Malami, lacagtan lasoo celiyay ayaa loo adeegsa doonaa in lagu taageero saddex mashruux oo muhiim u ah kaabayaasha dhaqaalaha Nigeria. Mashaariicdaasi ayaa waxaa horay u ogolaaday baarlamaanka iyo madaxweynaha Nigeria Muhammadu Buhari.

Lacagtan ayaa waxaa lagu maalgeli doonaa buundada labaad ee Niger Bridge, Jidka Lagos-Ibadan iyo waddada Abuja-Kano, kuwaas oo ay Waaxda Caddaaladda Mareykanka ku sheegtay, “in muwaadiniinta ay ka faa’iidi doonaan gaar ahaan gobollada Nigeria ee laga fulinayo mashaariicdaan, Mashaariicda waxaa sidoo kale ku jira qodobbo muhiim ah oo xaqiijinaya daah-furnaanta iyo isla-xisaabtanka.”

Iyada oo ka hadleysay xafladdii lagu saxiixay heshiiska, ayay danjiraha Mareykanka ee Nigeria Ambassador Leonard tiri, “Dowladda Mareykanka waa ay ka war-qabtaa saameynta lixaadka leh ee uu musuqa ku reebo bulshada. Musuq-maasuqa wuxuu xididadda u siixaa kalsoonida iyo awoodda ay dowladi shacabkeeda wax ugu qaba karto… Maadaama aanu nahay bah-wadaag Nigeria si qoto dheer wax uga maalgeliyay, waxaan sii wadi doonnaa inaan fududeyno soo helidda iyo soo celinta lacagaha musuqa looga xaday shacabka Nigeria.”

XS
SM
MD
LG