Accessibility links

Breaking News

WFP oo bilowday soo raritaanka Qamadiga Ukraine


UKRAINE-CRISIS/GRAIN
UKRAINE-CRISIS/GRAIN

Bartamihii Ogosto markab ay u kiraysatay Barnaamijka Cunnada Adduunka, ama WFP, ayaa ka baxay dekedda Ukraine ee Odessa isagoo siday 23,000 oo tan oo qamadi Ukraine, waana shixnaddii ugu horreysay ee qamadi Ukraine ah oo ay taageerto USAID, oo ay weheliso Howard Buffett Foundation iyo Minderoo Foundation.

"Shixnad noocaan oo kale ah ayaa markii ugu horreysay ka caawin doonta gurmadka bini'aadantinimo ee meelaha ay ka jiraan baahiyaha daran, oo ay ku jiraan Geeska Afrika, halkaas oo abaar taariikhi ah ay malaayiin qof qarka u saaran yihiin macaluul," ayay tiri ku xigeenka maamulka USAID Isobel Coleman. Baaxadda dhibaatada gaajadu waa mid aad u weyn." ayay tiri.

"Taasi waa sababta aan ugu dhawaaqnay $68 milyan oo dheeri ah oo loogu talagalay Barnaamijka Cunnada Adduunka ee Qaramada Midoobay si ay u iibiso, u guurto, una kaydiso ilaa 150,000 metrik ton oo qamadi Yukreeniyaan ah si ay u taageerto gargaarka cuntada degdegga ah ee socda ee waddamada ay wajahayaan dhibaatooyinka cunto ee daran. Maalgelintani waxay taageeri doontaa shixnad badeed badan oo WFP ah oo laga keeno Ukraine.” ayay raacisay Isobel Coleman.

USAID waxa kale oo ay si firfircoon u sahamisaa fursadaha kale ee lagu balaarinayo hawlaha cuntada degdega ah ee dalalka ay sida ba’an u saamaysay dhibaatada haqab-beelka cuntada.

"Waxaan bilownay $100 milyan oo cusub hindise adkeysi oo loogu talagalay beeraha Ukraine, waxaanan ka shaqeyneynaa sidii aan u sii deyn lahayn sahayda cuntada muhiimka ah ee ku xayiran - kaliya maahan dekedaha, laakiin waxaan uga soo saarnay waddooyinka dhulka."

"Waxaan si adag uga shaqeynay sidii aan ugu soo celin lahayn hadhuudhka Yukreeniyaan suuqa," ayuu yiri madaxa xafiiska isku xirka cunaqabateynta ee Waaxda Arrimaha Dibadda Jim O'Brien.

Ilaa kala bar qamadiga ay WFP u qaybiso dadka u baahan ayaa ka yimaada dalka Ukraine. Iyo iibsashada sarreenka Ukraine, WFP waxay u muujinaysaa beeralayda Ukraine in macaamiishooda ugu weyn shantii sano ee la soo dhaafay ay dib u iibsadaan sarreenkoodii.

Wuxuu yiri, Ambassador O'Brien, waxaanu ku celinaynaa in kasta oo cunaqabataynta culus lagu soo rogay Ruushka ee kusoo duulay Ukraine, "Ma cunaqabataynno cuntada Ruushka iyo bacriminta,"

"Hadafkeena ah inaan aragno Ruushka oo sii ahaanaya bixiye muhiim ah, waxaan u maleynayaa inay taasi dhab ahaantii tahay waxa dhacaya. Waxa aan isku dayeyno inaan sameyno waa inaan hubinno in wadamada adduunka oo dhan ku tiirsan Ruushka hadhuudh ay awoodaan inay galaan.” ayuu raaciyay.

"Waxaan uga jawaabeynaa si xawli ah iyo si aan u caawino kuwa aadka ugu baahan," ayuu yiri ku xigeenka maamulka USAID Coleman, "laakin ilo badan ayaa loo baahan yahay, tanina waxay noqon doontaa jawaab caalami ah."

Tani waxay aheyd faallo ka turjumeysa aragtida Mareykanka.

XS
SM
MD
LG