Accessibility links

Breaking News

Mareykanka oo soo dhoweeyey dhismaha xukuumadda cusub ee Soomaaliya


Tani waa faallo ka tarjumeeysa aragtida dawladda Mareykanka.

Mareeykanka wuxuu Soomaaliya ugu hambalyaynayaa dhismaha dawladeeda, wuxuuna rajaynayaa in si wada jir ah looga wada shaqeeyo sidii wax looga qaban lahaa caqabadaha ka jira qaranka, ayuu yidhi Ambassador Richard Mills, ku xigeenka Wakiilka mareeykanka ee Qaramada Midoobay.

Caqabadaha horyaala waxaa ka mid ah dib u heshiisiinta dowladda qaranka iyo dowladaha xubnaha ka ah federaalka, dhameeystirka dib u eegista dastuurka federaalka, iyo sidii deymaha looga cafin lahaa.

Khatarta ka imanaysa kooxda argagixisada ah ee al-Shabaab ayaa weli ah mid walaac weyn leh, sida uu muujinayo weerarkii argagaxa lahaa ee 20-kii August, ee lagu qaaday Hotel Hyatt ee magaalada Muqdisho. Danjire Mills "wuxuu si adag u cambaareeyey weerarka" wuxuuna yiri "Mareykanka waxaa ka go'an inuu taageero dadaallada ay Soomaaliya hormuudka ka tahay ee lagu jebinayo al-Shabab.

Waxaan ugu hambalyeyneynaa Ciidamada Nabad Sugida Qaranka Soomaaliyeed oo guulo ka gaaray Weerarkii Al-Shabaab looga saaray Gobolka Hiiraan Waxaa naga go'an inaan u isticmaalno agabka diyaarsan si aan ula dagaalanno argagixisanimada, oo ay ku jiraan taageerada tooska ah ee howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya iyo ciidamada ammaanka Soomaaliya, iyo sidoo kale ka faa'ideysiga 751-ka ee cunaqabateynta Soomaaliya si aan u tilmaamno saraakiisha al-Shabaab ee sii wada. khatar gelinta nabada iyo amniga Somalia iyo guud ahaan Bariga Afrika. Waxaan ku boorineynaa dowladaha kale ee xubnaha ka ah inay sidaas oo kale sameeyaan ayuu yiri danjire Mills.

Maaddaama uu yahay dalka keliya ee bixiya deeqaha gargaarka bini'aadantinimo ee Soomaaliya, Mareykanka ayaa weli ay ka go'an tahay in uu wax ka qabto saameynta ba'an ee ay ku yeesheen in ka badan toddobo milyan oo qof oo ay soo food saartay cunto yari.

Digniinta dhawaan soo baxday ee ah in macaluul la saadaaliyay bisha soo socota ayaa ah baaq nabadeed oo wax looga qabanayo dhammaanteen, ayuu yiri danjire Mills wuxuuna intaasi ku daray in macluushu ay tahay caqabad mana jiro waddan keligiis wax ka qaban kara.

Beesha Caalamku waa inay qaaddaa tallaabo wadajir ah, oo u hura agabka lagama maarmaanka ah si looga hortago khasaaraha sii kordhaya ee naf iyo maalba leh.

Dowladda Mareykanka waxay Soomaaliya ku caawisay in ka badan 700 oo milyan oo dollar sanadkan iyadoo ay jirto abaarta aan hore loo arag taasoo ka dhigan in ka badan 70 boqolkiiba dhammaan deeqaha ay Somalia heshay ilaa hadda qorshaha bini'aadantinimo ee QM.

Waxaan ku dhiirigelinaynaa saaxiibada kale ee caalamiga ah inay balaariyaan wax ku biirinta gargaarka bini'aadantinimo.

Dowladda Mareykanka ayaa si weyn u taageerta dadka Soomaaliyeed, waxaana ay weli ka go,an in laga wada shaqeeyo horumarinta dimoqraadiyadda iyo barwaaqada labada dal.

XS
SM
MD
LG