Accessibility links

Breaking News

Kuuriyada Koonfureed waxay xaq u leedahay inay is difaacdo


Tani waa faallo ka tarjumeysa dowladda Mareykanka

Kuuriyada Koonfureed waxay hal tallaabo u dhowdahay inay si buuxda u isticmaasho nidaamka difaaca dhulka sare ee uu Maraykanku soo saaro ee THAAD, ee ah gaashaanka gantaallada.

Seoul ayaa sameeysay hay'ad dawladeed iyo mid rayid ah si ay u sameeyaan qiimayn la sugayay oo ku saabsan saamaynta degaaneeed ee hubkaasi ee Seongju, oo qiyaastii 300 kiiloomitir koonfurta ka xigta caasimadda.

Kuuriyada Koonfureed ayaa go'aansatey in ay daabusho nidaamka difaaca gantaalaha ee THAAD bishii July 2016 si ay uga jawaabto hanjabaadaha gantaalaha iyo nukliyeerka ee Kuuriyada woqooyi iyo gentaalaha ugu horreeya ee hawada ee biloowday May 2017.

Ilaa hadda, kuuriyada woqooyi ayaa riday in ka badan 30 gantaal oo ballistic ah. waxaana ay balaadhinaysaa gantaalada xambaari kara nukliyeerka, gantaalada riddada gaaban ee lagu beegsan karo Kuuriyada Koonfureed intaa waxaa dheer, Mareykanka iyo dalal kale ayaa rumeysan in Pyongyang ay isku diyaarineyso tijaabadii toddobaad ee Nukliyeerka, oo ah tii ugu horreysay tan iyo 2017.

THAAD waxaa loogu talagalay inay ka hortagto gantaallada ballistic-ga ee soo socda;gentaal kuma xirna waxayna ku burburisaa gantaalada iyadoo saameynaysa.

Warbixin kooban oo uu siiyay suxufiyiinta.Ku xigeenka afhayeenka wasaarada arimaha dibada Mareeykanka Vedant Patel ayaa ugu yeedhay THAAD “awood isdifaac oo taxadar leh oo xadidan oo loogu talagalay in lagaga hortago Kuuriyada koonfureed.

Barnaamijyada hubka Waxa uu xusay in Maraykanka iyo Kuuriyada Koonfureed “gaadheen go’aan isbahaysi ah oo ah in THAAD la geeyo si ay u noqoto tallaabo difaac oo keliya si looga ilaaliyo Kuuriyada Koonfureed iyo dadkeeda weerarrada hubaysan iyo in ciidammada milatariga isbahaysiga laga ilaaliyo hubka wax gumaada ee DPRK iyo hanjabaada gentaalka ballistic-ga.

Go'aanka 2016kii ayaa ka cadhaysiiyay Jamhuuriyadda Dadka ee Shiinaha, taas oo ku soo rogtay xannibaado dhaqan iyo ganacsi Kuuriyada Koonfureed iyada oo ka jawaabaysa.

Bishii la soo dhaafay [Ogosto 2022], afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee PRC Wang Wenbin ayaa ku celiyay mucaaradka Beijing ee Kuuriyada Koonfureed sii xoojinta nidaamka THAAD, isagoo sheeganaya inay burburinayso "danaha amniga istiraatiijiga ah ee PRC.

Madaxa Ku xigeenka afhayeenka Patel .wuxuu ku nuuxnuuxsaday in hadafka dawladdu yahay in si buuxda loo baa,biyo nukliyeerka gacanka Kuuriya. ayna ka lahayn ujeedo cadawtinimo ah oo ku wajahan Kuuriyada Woqooyi siyaasadeenanan waxay ku baaqaysaa hab saxan, hab wax ku ool ah oo u furan diyaarna u ah inay sahamiyaan dublamaasiyada Kuuriyada woqooyi si loo sameeyo horumar la taaban karo oo kordhinaya amniga Maraykanka, xulafadayada iyo ciidamadeena qalabka sida. ayuu yiri.

"Waxaan diyaar u nahay inaan la kulanno Kuuriyada Woqooyi shuruud la'aan, waxaana rajeyneynaa in ay si wanaagsan uga jawaabi doonto wacyigelintayada."

XS
SM
MD
LG