Accessibility links

Breaking News

Caawinta Sri Lanka xilli ay jiraan xasarado burbur leh


Biden Samantha Power
Biden Samantha Power

Tani waa faallo ka turjumeysa aragtida dowladda Mareykanka.

Sri-lanka ayaa wali iskud ayeysa sidii ay uga bixi laheyd xasarada siyaasadeed xili sidoo kale ayw ajaheyso xaaladii dhaqaale ee ugu adkeyd tan iyo markii uu dalkaasi xoriyadiisa qaatey ka dib dagaalkii labaad ee dunida. Sida ay sheegtey heyada cunada aduunka ee WFP 6.3 Million oo qof oo reer Sri-lanka ah ayaa cuna yari ay heysataa.

“Xaalada dhaqaale ee adage e Sri-lanka waxay leedahay dhowr sababood ayey tiri madaxa heyada USAID Samantha Power oo dalkaasi booqatey bartamihii September. Waxaa kale oo ay intaas raacisey “dhowr sanoo oo ay isgaarety deynta aanan la xakameynin ee dalkaas, dalxiiskii oo uu xanuunka COVID-19 cuuryaamiyey, taas ka horna waxaa jirey qaraxii Easterka ee Axada, Musuqa iyo nin jecleysiga”

Tan iyo 2017ka beeraleyda Sri-lanka waxay arkayeen abuurkii beerahooda oo baaba’ay kala bar, qeyb ahaa waxaa sababtey abaaraha ka jira dalkaas, balse waxaa sidoo kale qeyb ka ahaa hoos u dhac xoogan oo ku yimid dawooyinkii bacriminta beeraha oo uu dalkaasi soo iibsan waayey ka dib markii lacagtoii Doolarka ay dibada wax kaga soo iibsan jireen ay waayeen, sidoo kale waxaa arrintan saameyn ku lahaa go,aano siyaasadeed oo ay gaartey dowladii hore.

Si gacan looga siiyo Sri-lanka dhibaatadan, waxay madaxa USAID Power ku dhawaaqdey in iyadoo Congressku ansixinayo ay Mareykanku siin doonto dalkaas Afartan Million oo doolae oo lagu keenayo dawooyinka bacriminta beeraha oo la siinayo hal million oo beeraley ah xiligan abuurka cusub uu bilaabanayo., kaalmadan muhiimka ah ayaa la filayaa inay sare u qaado wax soo saarka beeraha dalkaas.

Balse inta beeraha la abuurayo oos oo baxayaan malaayiin qof oo reer Sri-lanka ah ayaa u baahan cunto ay cunaan, marka Mareykanka waxay siin doonaan kaalmo dheeri ah oo gaareysa labaatan Million oo Dollar oo kaalmo bani’aadanimo ah waxayna gacan ka geysaneysaa dadka dhibbaateysan ee reer Sri-lanka ee ay gaajada iyo nafaqo daradu heysato.

“kaalmadan cusub ee lagu dhawaaqey, guud ahaan waxay Mareykanku bixinayaan ku dhawaad 240 Million oo doolar tan iyo Jun sanadkan si wax looga qabto baahida deg dega ah ee Srilanka sida ay sheegtey Samantha Power.

“balse kaalmo kaliya ma dhameyneyso,dhibaatada dalkan heysata.”

Power waxay kaloo tiri “Isbedel siyaasadeed iyo isla xisaabtan waa in ay iyagadana barbar socotaa isbedeladan dhaqaale iyo isxisaabinta dhaqaalaha , buslhada rayidka ee reer Sri-lanka waa in boos laga siiyaa si ay codkooda u gudbiyaan dowladana ula xisaabtamaan . waxaa kale oo ay intaas ku dartey in iyadoo ay Sri-lanka iskud ayeyso in ay xaaladan adag ka baxdo, Mareykankuna ay dhankooda ay ka caawinayaan qaabeynta deynta dalkaasi cuuryaamisey. Waxaana ay ku baaqdey in deyn bixiyayaasha Sri-Lanka ay is furan uga shaqeeyaan nidaam labada dhinac ay heshiis ku yihiin.

Power ayaa tiri “ in ka badan 70 sano Mareykanku waxay maalgelinayeen Sri-Lanka si ay u gaarto nabad iyo barwaaqo dadka iyo dalkaba wadagaarta waxaana sanadihii dhawaad ay Mareykanku siiyeen dalkaas laba billion oo doolar oo kaalmo ah, kaalmada maanya waxay dhiseysaa taariiqdaas oo ah in dadka Mareykanka ay ka shaqeynayana in ayc aawiyaan dadka reer Sri-Lanka dadaalkoodaay ku doonayaan in ay ka gudbaan xaaladana dag”

XS
SM
MD
LG