Accessibility links

Breaking News

Madaxweyne Biden oo booriyey isbeddelo lagu sameeyo QM


Biden

Tani waa faallo ka tarjumeysa aragtida dowladda Mareykanka.

Duullaankeeda naxariis darrada ah, ee aan loo meel dayin ee dalka Ukraine, ayaa Ruushka, oo ah xubin joogta ah oo ka tirsan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, wuxuu halis gelinayaa wadnaha howlgalka Qaramada Midoobay ee lagu ilaalinayo nabadda iyo ammaanka caalamiga ah. Sidaasi waxa yiri Madaxweyne Joe Biden oo jeedinayay khudbadiisii u dambaysay ee shirka Golaha Guud.

“Ruushku waxa uu si xishood la'aan ah ugu xad-gudbay mabaadi'da aasaasiga ah ee Axdiga Qaramada Midoobay, ayuu yiri Madaxweyne Biden, “mid ka muhiimsan ma jiro mamnuucid cad oo ka dhan ah waddamada ay xoogga ku qabsanayaan dhulka deriskooda.”

Bishii Febraayo 2022-keedii, wax yar ka dib markii uu bilowday duulaanka buuxa ee Kremlin-ka, ayaa Golaha Ammaanka waxa uu u codeeyay qaraar cambaareynaya gardarrada Ruushka ee kuna baaqaya in si degdeg ah ciidamada Ruushka looga saaro Ukraine. Marka la eego xaqiiqada dhabta ah iyo mabaadi'da Axdiga Qaramada Midoobay, waxay ahayd in si fudud loo qaato qaraarka.

Si kastaba ha ahaatee, inkastoo ay taageereen 11 xubnood oo Golaha ah, qaraarka waa la jabiyay ka dib markii hal cod oo "maya" ah uu ka yimid Ruushka. Taasi waa awoodda diidmada qayaxan ee mid kasta oo ka mid ah shanta xubnood ee joogtada ah - waxayna noqon kartaa dhallan rog daran oo lagu sameeyo xeerarka caalamiga ah marka mid ka mid ah xubnaha uu si bareer ah u diido xeerarkaas si ay u fushato danaheeda aan aan laga fiirsan.

Safiirka Maraykanka ee Qaramada Midoobay Linda Thomas-Greenfield ayaa dhawaan xustay in tan iyo 2009-kii uu Ruushku sameeyay 26 diidmo oo qayaxan, 12 ka mid ah waxa ku biiray Shiinaha, halka Maraykanku uu adeegsaday diidmada qayaxan afar jeer oo keliya. "Xubin kasta oo joogto ah oo u adeegsata diidmada qayaxan si ay u difaacdo falalkeeda gardarada ah waxay luminaysaa awoodda anshaxa waana in lala xisaabtamo,” ayay tiri.

Intii uu khudbadda ka jeedinayay Golaha Guud, Madaxweyne Biden waxa uu ku baaqay tallaabooyin kor loogu qaadayo kalsoonida iyo waxtarka Golaha Ammaanka. “Xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, oo uu ku jiro Mareykanka,” ayuu ku dhawaaqay, waa “inay si joogta ah u ilaaliyaan oo ay difaacaan axdiga Qaramada Midoobay oo ay ka fogaadaan adeegsiga diidmada qayaxan, marka laga reebo xaalado naadir ah oo aan caadi ahayn.”

Madaxweyne Biden waxa kale oo uu ku dhawaaqay in Maraykanku taageerayo balaarinta Golaha, ee xubnahooda joogtada ah iyo kuwa aan joogtada ahayn labadaba. Intii lagu guda jiray khudbadiisa, Madaxweyne Biden wuxuu ku baaqay n sidoo kale kuraas joogto ah la siiyo "wadamada Afrika, Latin America iyo Kariibiyaanka."

"Waqtigii waa la gaaray," ayuu yiri madaxweyne Biden, “in hay'addan ay noqoto mid la isku dhafan yahay si ay si wanaagsan uga jawaabto baahiyaha adduunka ee maanta. ... Mareykanka waxaa ka go'an shaqadan muhiimka ah.”

XS
SM
MD
LG