Accessibility links

Breaking News

Sare u qaadidda xoriyadda hadalka ee Iran


Tani waa faallo ka tarjumeysa aragtida dowladda Mareykanka.

Dowladda Iran ayaa ka jartay adeegsiga internetka inta badan ee muwaadiniinteeda 80-ka milyan ah si ay uga hortagto iyaga - iyo adduunka - in ay daawadaan gacan ka hadalkeeda ka dhanka ah dibad-baxayaasha nabdoon ee ka dhashay dhimashadii arxan darada ahayd ee Mahsa Amini oo ku dhimatay xabsiga booliska anshaxa ee Iran.

"Mahsa Amini macno la'aan, si naxdin leh ayay u dhimatay, haddana dawladdu waxay si xoog leh u caburinaysaa mudaaharaadyaasha nabdoon ee sida saxda ah uga carooday dhimashadeeda," ayuu yiri xoghayaha arrimaha dibadda Antony Blinken. "Way iska caddahay in dawladda Iran ay ka baqayso dadkeeda."

Ms. Amini waxaa xiray booliska anshaxa ee Iran kadib markii lagu eedeeyay in aysan si sax ah u xiran xijaabka. Waxaa soo gaaray dhaawac culus intii ay xabsiga ku jirtay, waxaana markii dambe ay ku geeriyootay isbitaal kaddib markii ay koomo gashay.

Ugu yaraan 76 qof ayaa la dilay in ka badan 1,200 oo qofna waa la xiray guud ahaan dalka Iran, sida ay sheegayaan wararka saxaafadda. Dibad-baxayaasha ayaa dalbanaya in la joojiyo xirashada qasabka ah ee xijaabka iyo xadgudubyada kale ee ka dhanka ah xuquuqda haweenka ee Iran. Mudaaharaadyada ayaa ku fiday ugu yaraan 80 magaalo oo dalka ah.

Iyadoo dowladda Iran ay rasaas ku ridayso dibadbaxayaal nabadeed oo ay ka jareyso dadkeeda adeegsiga internetka caalamiga ah, ayaa Mareykanku qaadayaa tallaabo uu ku caawinayo dadka Iran inay si xor ah u helaan macluumaadka internetka.

Taasi waa sababta Xafiiska Hantidhowrka Mareykanka ee Xakamaynta Hantida Shisheeye uu u soo saaray Shatiga Guud ee D-2 - oggolaansho la ballaariyay oo u oggolaanaysa shirkadaha tignoolajiyada inay siiyaan adeegyo dhijitaal ah oo dheeraad ah dadka Iran, laga bilaabo marin u helista adeegyada xogta lagu kaydiyo daruuraha ilaa agabka wanaagsan si kor loogu qaado ammaankooda iyo sirtooda khadka ah.

Tallaabooyinkan ayaa gacan ka geysan doona in Iiraaniyiintu ay ka hortagaan dadaallada dowladda Iran ay ku dooneyso in ay ku ilaaliso oo ay faafreeb ku sameyso. Shatigan guud ee la cusboonaysiiyay, ayaa hadda waxay ku xiran tahay shirkadaha tignoolajiyada inay go'aan ka gaaraan haddii ay adeegyada la oggolaaday siiyaan Iiraaniyiinta.

Dowladda Mareykanka waxay sii wadi doontaa inay aqoonsato fursadahaas lagu taageerayo awoodda dadka Iran ay u leeyihiin inay si xor ah u wada xiriiraan iyo iyagoo aan ka cabsanayn aargoosiga dowladda.

XS
SM
MD
LG