Accessibility links

Breaking News

Blinken oo ka qeyb-galay kulanka amniga cunada


Antony Blinken
Antony Blinken

Tani waa faallo ka tarjumaysa aragtida dawladda Maraykanka

Xoghayaha arrimaha debedda ee Maraykanka Antony Blinken oo ka qayb galay shirka caalamiga ah ee sugnaanta cuntada adduunka, ayaa sheegay in in ka badan 200 milyan oo qof oo adduunka ku nooli inay la ildaran yihiin cunto yari ba'an oo haysata.

Bishii May, Qaramada Midoobay waxay bilawday qorshaha haqab-beelka cunnada ee adduunka, kaasoo ah baaq la doonayo in ficil loo rogo.

Qaramada Midoobay waxay ugu baaqaysaa dalalka xubnaha ka ah, inay qaadaan illaa toddoba tallaabo, oo ay ku jiraan in suuqyada cuntada iyo beeruhu inay ahaadaan kuwo furan, kordhinta iyo soo saarista bacrimiyayaasha, iyo maalgelinta nidaamka beeraha ee u adkaysan kara cimilooyinka.

In ka badan 10 dal ayaa saxiixay qorshahan, halka qaar badanina ay durba bilaabeen fulinta ballanqaadyadaas. “Ficilku waa muhiim”, sidaas waxa yidhi xoghaye Blinken, “Sababtoo ah dhibaatada haatan jirtaa waa mid aanu waddan gaar ahi ama xataa dalal gaar ahi aanay keligood xallin karin.”

Madaxweyne Joe Biden ayaa shirkii golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay kaga dhawaaqay lacag ka badan $2.9 billion oo ah kaalmo cusub oo wax lagaga qabanayo cunto yarida dunida ka jirta, taasoo lagu darayo lacag gaadhaysa illaa $6.9 billion oo ah kaalmadii hore uu Marayakanku sannadkan hore ugu qorsheeyey in wax lagaga qabto sugnaanshaha cuntada ee dunida.

Laakiin taas macneheedu maaha in dal waliba uu wax ku darayo, ayuu yidhi xoghaye Blinken. “Dalalka awoodooda dhaqaale sarayso, tahay tahay inay waxbadan ku daraan.

Laakiin sidii ay ahayd waxba looguma darayo, ayuu yidhi Xoghaye Blinken. “Wadamada qaarkood o oleh awood dhaqaale oo ay ahayd inay waxbadan qabtaan, ayaa ah kuwa waxa ugu yar bixinaya. Taasi waxay u baahan tahay in la beddelo. Si kasta oo ay dalalku wax u qabteen illaa haatan, waddan kasta waxaa loogu baaqayaa inuu waxqabadka sii kordhiyo.”

"Habka kale oo aan ku taageeri karno gargaarka degdegga ah, ayaa ah, inaan ka shaqayno kordhinta heshiiska ay Qaramada Midoobay iyo Turkigu ay dhexdhigeen Ruushka iyo Ukraine, kaas oo oggolaaday in sarreenka iyo wax soo saarka kale ee beeraha, in laga dhoofiyo dekedaha Badda Madow," ayuu yidhi Xoghaye Blinken.

Tallaabada labaad ayaa ah, in waddamada laga caawiyo in ay horumariyaan awoodda ay ku soo saaran karaan cunto ku filan”, ayuu yidhi xoghaye Blinken.

"Shanta sano ee soo socota, Maraykanku wuxuu la shaqayn doonaa Koongareeskayaga si dalalka caalamka loogu maalgeliyo in ka badan $11 bilyan si loo gaadho yoolka isku filnaanshaha wax-soo-saarka beeraha. Bishii hore, waxaan ku Darnay barnaamijka Feed the Future, illaa sideed dal oo Afrikaan ah. Kani waa barnaamijka calanka noo sida, si aan u ballaadhino shabakadaha badbaadada culshada, una xoojinno nidaamka sugnaanta cuntada, korna loo qaado heerka nafaqaynta.”

Ugu dambayntii, waxa loo baahan yahay in la helo isku-dubbarid wanaagsan oo ka dhexeeya dawladaha, urur goboleedyada, hay’adaha, iyo ururada aan dawliga ahayn si loo hubiyo inay si wadajir ah u wada shaqeeyaan.

"Laakiin waxa laga yaabaa in arrinta ugu muhiimsani inay tahay, waxa ka dambeeya hadalada aan nidhaahno, dabcan, waa waxa aan samayno,” ayuu yidhi Xoghaye Blinken. “Caafimaadka, xasiloonida, [iyo] caafimaad qabka bulshadu wuxuu ku xidhan yahay sugnaanshaha cuntada ee aan wada dhisno.”

XS
SM
MD
LG