Tani waa faallo ka tarjumaysa aragtida dawladda Maraykanka
Sannadkani wuxuu ku beegan yahay, sannadguuradii 75aad ee xidhiidhka diblomaasiyadeed ee Maraykanka iyo Pakistan. Xoghayaha arrimaha debedda ee Maraykanka Blinken ayaa yidhi “muddo tobanaan sano ah, waxaa jiray xidhiidh dhinaca dhaqanka ah oo wanaagsan oo aan la lahayn Pakistan.”
Pakistan iyo Maraykanku waxay ka wada shaqeeyeen sidii loo dhamaystiri lahaa mashaariic kala duwan oo horumarineed, sida biyo-xidheenada Mangla iyo Tarbela, kuwaas oo hal mar bixiyey illaa 70% laydhka Pakistan. Labada dal waxay iska kaashadeen Jaamacadda Lahore ee maamulka iyo sayniska, taasoo lagu tababaro jiilka soo socda ee hoggaamiyayaasha ganacsiga.
“Waxaan sii wadaynaa inaan si dhow uga wada shaqayno arrimaha la dagaalanka argagixisada,” ayuu yidhi xoghaye Blinken.
“Waxaan wadaagnaa danaha la xidhiidha mustaqbalka dalka Afghanistan, ka dib dagaal qaatay labaatan sano. Waxaa jira meelo aan ku kala aragti duwanahay, taasina sir maaha. Laakiin waxaan wadaagnaa ujeedo guud: oo ah, sidii Afghanistan iyo gobolkuba ay u noqon lahaayeen, meel ammaan ah, deggan oo leh mustaqbal wanaagsan. Waanu sii wadaynaa inaan ka wada shaqayno dhankaas, iyo weliba inaan taageerno xuquuqda aasaasiga ah ee shacabka reer Afghanistan, gaar ahaan haweenka iyo hablaha.”
Wadahadaladii ugu dambeeyey, ayuu xoghaye Blinken ku booriyey Pakistan inay si masuuliyadi ku jirto u maarayso xidhiidhka ay la leedahay dalka Hindiya. Wuxuu kaloo carrabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay in la ilaaliyo qiyamka aasaasiga ah, sida in la ixtiraamo xorriyadda diinta, caqiidada iyo xorriyadda hadalka.
Maraykanka iyo Pakistan waxay sii wadaan inay sii xoojiyaan xidhiidhkooda dhaqaale, ayuu yidhi xoghaye Blinken:
Mid ka mid ah siyaabaha ugu muhiimsan ee lagu kobcin karo dhaqaalaha iyo barwaaqo sooranka ayaa ah, tusaale ahaan, iyada oo loo marayo xoojinta iyo taageeridda haweenka iyo gabdhaha iyo hubinta inay si buuxda uga qayb qaadan karaan dhaqaalaha. Taasi maaha oo keliya habka lagu caawinayo inay gaadhaan isku filnaansho buuxda laakiin sidoo kale waa arrin taageeraysa dhaqaalaha dalka. "
Sannadkan waxa la xusayaa sannad-guuradii 10-aad ee Golaha Haweenka ee Maraykanka iyo Pakistan, taasoo ay iska kaashanayaan Wasaaradda arrimaha debedda iyo jaamacadda Texas, kuwaas oo horumarinaya koboca iskaashiga ka dhexeeya shirkadaha waaweyn iyo bulshada rayidka ah si loo xoojiyo ama loo taageero haweenka Pakistan.
"Waxaan sidoo kale si qoto dheer u aaminsanahay in udub dhexaadka xidhiidhkeenu uu yahay mid ku salaysan bulshada labada dhinac," ayuu yidhi Xoghaye Blinken.
"Ugu dambeyntii, isku xidhnaanta sidan oo kale ahi, waa tan rajada ugu badan I gelisa, marka laga hadlayo mustaqbalka xidhiidhkeenna. Dadkeenu waxbay kala barteen, taasoo keenaysa inaanu horumarinayo labadayada dal, iyo weliba shucuubtayada.”
Xoghaye Blinken ayaa muujiyey sida uu ugu rajo weyn yahay in mustaqbalku xidhiidhka labada dal ee Pakistan iyo Maraykanku uu ii ifayo.