Accessibility links

Breaking News

Dhisidda Gobolka Jasiiradaha Pacific oo adkeysi badan


Tani waa faallo ka tarjumaysa aragtida Dowladda Mareykanka

Maraykanku waxa uu martigaliyay Shir Madaxeedka Waddamada Jasiiradaha Baasifiga iyo Maraykanka ee ugu horreeya abid si loo dhiso ka go'naanta dadka Baasifigga. Jasiiradaha Baasifiga iyo Maraykanku waxa ay leeyihiin xidhiidh ganacsi iyo mid diblomaasiyadeed oo soo jireen ah. Marka laga soo tago ilaalinta amniga gobolka, Mareykanka waxaa sidoo kale ka go'an la dagaallanka khatarta isbeddelka cimilada. Intii uu socday shir madaxeedka, Madaxweyne Joe Biden wuxuu carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay xoojinta iskaashigan.

"Waxaan si cad u aragnaa cawaaqibka isbeddelka cimilada adduunka oo dhan, oo uu ku jirto Maraykanka. Waan ogahay in dalalkiinnu ay aad u dareemayaan."

Si kastaba ha ahaatee, u diyaargarowga isbeddelka cimiladu waa caqabad adag ayuu xusay xoghayaha arrimaha dibadda Blinken.

Dhisidda adkeysigu way ka badan tahay qalabaynta bulshooyinka si ay ula qabsadaan saameynta xiisadda cimilada, taas oo qaar badan oo idinka mid ah ay khatar ugu jiraan; Waxa kale oo ay ku saabsan tahay u diyaarinta bulshooyinka si ay u daboolaan naxdinta ay sababeen saameyntan.

Si taas loo dhammeeyo, Madaxweyne Biden wuxuu ku dhawaaqay $810 milyan oo ah barnaamijyo la ballaariyay si loo horumariyo nolosha Jaziiradaha Baasifiga. Maalgelintan waxa ka mid ah u diyaargarowga saamaynta cimilada ee dhinaca caafimaadka iyo sugnaanta cuntada iyo dhisidda awoodda si loo saadaaliyo, loogu diyaargaroobo, loogana jawaabo khataraha cimilada.

Xoghaye Blinken waxa kale oo uu ka hadlay qorshayaasha lagu xoojinayo hab-nololeedka badda iyada oo la taageerayo kalluumaysiga, beeralayda, iyo dalxiiska taas oo qayb ka ah barnaamijka dhaqaalaha buluuga ah ee adkaysiga leh. Blue Economy waxaa loola jeedaa "isticmaalka joogtada ah ee kheyraadka badda ee kobaca dhaqaalaha, hagaajinta hab-nololeedyada, iyo shaqooyinka iyadoo la ilaalinayo caafimaadka deegaanka badda."

Maraykanku waxa kale oo uu ku biiray Australia, Japan, New Zealand, iyo Boqortooyada UK. Si wada jir ah wadamadani waxay la kulmeen xubnaha Madasha Jasiiradaha Baasifiga (PIF) si ay uga wadahadlaan sidii si hufan loogu horumarin lahaa loona xoojin lahaa dawladaha iyo dhaqaalaha Jasiiradaha Baasifiga si waafaqsan Istaraatiijiyada 2050 ee PIF ee Baasifiga.

Mareykanka waxaa ka go'an inuu sii qoto dheereeyo xiriirka uu la leeyahay wadamada Jaziirada Baasifiga iyo in uu ka caawiyo sidii ay ugu diyaar garoobi lahaayeen khataraha cimilada mustaqbalka ee halista ku ah gobolka.

XS
SM
MD
LG