Accessibility links

Breaking News

Ka joojinta argagixisada ee gudbinta kheyraadka dabiiciga ah


Tani waa faallo ka tarjumeysa aragtida Dowladda Mareykanka.

Argagixisanimada iyo dambiyada abaabulan waa kuwo si xooggan uga jira guud ahaan Afrika. Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in qayb ahaan kooxahan ay isku maalgeliyaan lacagaha ay ka helaan ka faa’iideysiga sharci-darro ah ee kheyraadka dabiiciga ah ee gobollada ay haystaan.

Dhabtii, Ghada Waly, oo ah madaxa xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan daroogada iyo dambiyada ayaa xustay in ay jiraan caddaymo xooggan oo muujinaya in ka faa’iideysiga sharci-darrada ah ee biraha qaaliga ah iyo macdanta ay kooxaha xagjiriintu lacag badan ka helaan. Dhoofinta duur-joogta ayaa sidoo kale il dhaqaale oo xoog leh u ah kooxahan. Ka ganacsiga sharci-darrada ee foolka maroodiga ayaa waxaa laga helaa sanadkii adduun dhan ilaa afar boqol oo milyan oo doolar.

Safiirka Mareykanka ee Qaramada Midoobay Linda Thomas Greenfield ayaa tiri waa in aan diiradda saarnaa saddex arrimood oo muhiim ah si looga hortago dhaqdhaqaaqyadan.

“Kow, marka laga hadlayo xaaladda Afrika, joogitaanka al-Qaacida iyo shakhsiyaadka xiriirka la leh ISIS iyo kooxuhuba, waxa ay dammaanad qaadaysaa in si dhow loola socdo, tallaabadana looga qaado.”

“Lacagta ayaa weli halbowlaha nolosha u ah argagixisada. Waa in aan xoojinnaa dadaalkeena aan ku daba galeyno maalgeliyayaasha iyo fududeeyayaasha dhaqaalaha ee argagixisada iyo ururrada argagixisada ah. Waana in aan ka hortagno ilaha dhaqaale ee muhiimka ah ee ka faa’iidaysanaya awood yaraanta sharciyeedka ee hay’adaha kormeerka.”

“Tan labaad, mid ka mid ah walaaca degdega ah ee sii kordhaya ee ka jira Afrika waa istaraatiijiyada kooxda Wagner ee Kremlin-ku taageero taasi oo ka faa'iidaysata kheyraadka dabiiciga ah ee Central African Republic (Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika), Mali, iyo Sudan, iyo sidoo kale dalal kale.”

“Ficilladan ayaa si wanaagsan loo diiwaan galiyay mana ahan kuwa la inkiri karo. Waxa aan ognahay in faa'iidooyinkan sida sharci-darrada ah lagu helay loo isticmaalo in lagu maalgeliyo mashiinka dagaalka Moscow ay ka waddo Afrika, Bariga Dhexe, iyo Ukraine. Halkii ay ka noqon lahayd shuraako hufan oo hagaajinaya amniga, Wagner waxa ay ka faa’iideystaa dawladaha ay la macaamisho kuwaasi oo adeegyada kooxda ee amni-sugidda qarash ahaan ku bixiya dahabka, dheemanka, alwaaxda, iyo khayraadka kale ee dabiiciga ah - tani waa qayb ka mid ah habka ganacsi ee Wagner Group.”

Ugu dambeyntii, dowladuhu waa in ay qaadaan hab aad u adag oo lagaga hortagayo al-Qaacidda, ISIS, iyo kooxaha kale ee dambiilayaasha ah ee ka howlgala Afrika. Cunaqabataynta la saaro dalalka u dulqaata dhaqdhaqaaqyadan ama xittaa kuwa ururradaasi caawiya ayaa ayaa sidoo kale muhiim u ah la dagaallanka dhoofinta sharci-darrada ah ee kheyraadka dabiiciga ah.

“Waxa ay dhammaanteen maslaxad noogu jirtaa in aan la dagaallanno ganacsiga sharci-darrada ah ee Afrika looga qaadanayo kheyraadka dabiiciga ah, taasi oo ah xattooyo lagu hayo hantida dadka Afrikaanka ah,” ayay tiri Ambassador Thomas Greenfield. “Waxa ay danteenu ku jirtaa in aan ka hortagno kooxahan u adeegsanaya fal-dambiyeedkooda iyo hantida ay sida xaaraanta ah ku kasbadeen si ay ugu huriyaan colaadaha iyo argagixisada. Waanna awoodnaa in aan ka hortagno xaalufka deegaanka, ku shaqeysiga carruurta, barakicinta bulshooyinka, tacaddiga iyo gabood falka xuquuqda aadanaha, luminta dakhliga dowladda ee uu sababo ganacsigan aan sharciga aheyn.”

Taasina waxa ay ahayd faallo ka tarjumeysa aragtida Dowladda Mareykanka.

XS
SM
MD
LG