Accessibility links

Breaking News

Mareykanka oo xayiraado dheeri ah kusoo rogay hoggaamiyeyaal ka tirsan Iran


Tani waa faallo ka tarjumeysa aragtida Dowladda Mareykanka

Mudaaharaadyo ballaaran ayaa ka sii socda Iran ka dib dhimashadii Mahsa Amini oo ahayd 22 jir taasi oo dhimatay iyadoo xabsi ugu jirta waxa loogu yeero “booliiska anshaxa” iyadoo loo xiray sababo la xiriira in aysan “hab dhameytiran u xijaabneyn.”

Muddo ka badan bil ayay dibad-baxayaashu isugu soo baxeen waddooyinka magaalooyin badan oo Iran ah, iyadoo mudaaharaadyo badan oo ay haweenku hoggaaminayeen ay ku biireen aabbayaashood, walaalahood, iyo raggooda. Ardayda wax ka barata jaamacadaha dalka ayaa iyaguna si nabad ah ugu istaagay oo ka soo horjeestay caburinta dowladda.

Jawaabta dowladda Iran ayaa noqotay mid arxan-daran oo sii kordhisay dhimashada. Dowladda Iran ayaa howlgallada rabshadaha wata ee ka dhanka ah bannaanbaxayaasha ku dishay boqolaal qof oo Iiraaniyiin ah oo ay ku jireen tobaneeyo caruur ah.

Amnesty International ayaa ogaatay in magaalada Zahedan ee gobolka Sistan iyo gobolka kale ee Baluchistan oo keliya lagu dilay ugu yaraan 82 qof, iyadoo ay ciidamada ammaanku ay rasaas nool-nool ku fureen dibadbaxayaal si nabad ah halkaasi ugu sugnaa. Intaa waxaa dheer, in kumannaan qof xabsiga loo taxaabay, oo ay ku jiraan wariyeyaal, arday, iyo dad kale oo caan ah. Dowlada Iran ayaa sidoo kale isticmaalka internetka ka hakisay inta badan muwaadiniinteeda gaaraya 80-ka milyan ee qof.

Mareykanka ayaa si adag u cambaareeyay gacanta adag ee lagula dhaqmay bannaanbaxayaasha nabadeed ee dalbanayay in la ixtiraamo xuquuqdooda aadanimo iyo sharafkooda aas-aasiga ah. Madaxweyne Biden ayaa bayaan uu 3-dii October soo saaray ku yiri, “Maraykanku waxa uu garab taagan yahay haweenka Iran iyo dhammaan muwaadiniinta Iran ee dunida tusaya geesinimadooda.”

Waxa uu xusay in Mareykanku uu qaaday tallaabo uu dadka Iiraan ugu fududeynayo isticmaalka Internetka, isaga oo cunaqabateyn saaray saraakiil iyo hay’ado dhowr ah oo dowladda Iran ka tirsan oo uu ka mid yahay Booliska Anshaxa.

Madaxweyne Biden ayaa sidoo kale sheegay in Maraykanku uu sii wadayo la xisaabtanka saraakiisha dowladda Iran ee rabshadaha kala hortagay dibadbaxayaasha. 6-dii October, Wasaaradda Maaliyadda ee Mareykanka ayaa ku dhawaaqday cunaqabateyn cusub oo lagu soo rogay toddobo kale oo ka mid ah hoggaamiyeyaasha sarsare ee Iran ee qeybta ka ah caburinta rabsadda wadata ee ka dhanka ah muwaadiniinta Iran iyo jarista Internetka dalkaasi.

Dadka la beegsaday waxaa ka mid ah wasiirka arrimaha gudaha Iran, Ahmad Vahidi iyo wasiirka isgaarsiinta, Eisa Zarepour, kuwaasi oo dowr ku lahaa in Iraaniyiinta laga jaro adeegga internetka. Shanta qof ee kale waa saraakiil sarsare oo dhanka ammaanka ah sida ciidamada sharci-fulinta, Booliska Internetka ee Iran, iyo ciidanka ilaalada kacaanka ee IRGC.

“Waxa aan cambaareyneynaa tallaabada arxan-darrada ah ee ay dowladda Iran ku xakameysay xuquuqda dadkeeda ee xorriyadda hadalka iyo isku imaatinka nabadeed,” ayuu afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Ned Price ku qoray bartiisa twitter-ka. “Waan sii wadi doonnaa adeegsiga cunnaqabateynadayada illaa inta ay Iran ka sii waddo in ay iska indha-tirto dhowrista xuquuqda dadkeeda.”

XS
SM
MD
LG