Accessibility links

Breaking News

Caawinta dadka dhibaateysan ee Suuriya


Tani waa faallo ka tarjumeysa aragtida Dowladda Mareykanka

Mareykanka ayaa ku dhawaaqay in ka badan 756 milyan oo doollar oo gargaar bini'aadanimo dheeri ah kaasi oo loogu talagalay dadka Suuriya. Lacagtan ayaa waxaa sii dheer ku dhawaad 808 milyan oo doollar oo sanadkan horraantiisii lagu dhawaaqay.

Safiirka Mareykanka ee Qaramada Midoobay Linda Thomas-Greenfield ayaa u sheegtay Golaha Ammaanka markii ay ku dhawaaqeysay kaalmada dheeraadka ah ee ka timid Mareykanka, “dadka Suuriya waxaa weli haysta khatar.”

Kadib in ka badan 11 sano oo dagaal ah, oo soo billowday markii taliska Asad uu si naxariis darro ah ugu jawaabay dibadbaxyo nabadeed oo dowladda lagaga soo horjeeday, dadka Suuriya ayaa sii wada in ay wajahaan khasaare ba’an iyo gaajo. Ilaa 2011-kii, dad ka badan 350,000 oo qof ayaa la dilay; tobannaan kun ayaa loo xiray si aan sharci ahayn, la afduubay, ama la waayay; 13 milyan oo qof ayaa ku barakacay; iyadoo in ka badan 2 milyan oo qofna ay wajahayaan cunto-yari baahsan. Daacuun caloole ka dillaacay waqooyiga Syria ayaa hadda khatar weyn oo kale ku haya waddankan uu nidaamkiisa caafimaadku burburay.

Mareykanka ayaa weli ah deeq bixiyaha ugu weyn ee gargaarka bini’aadannimo u fidiya dadka Suuriya. Maalgelinta dheeriga ah, ayay Ambassador Thomas-Greenfield tiri “waxa ay kaalmo degdeg ah siin doontaa malaayiin qof oo qaxooti ah. Waxa ay ka caawin doontaa shurakadayada gargaarka bani'aadamnimada in ay bixiyaan biyo nadiif ah, cunto, nadaafad iyo sahay gargaar, hoy, adeegyada badqabka, iyo kaalmada aadka loogu baahan yahay ee caafimaad iyo nafaqo. Waxaana ku jiri doona taageerada barnaamijyada soo kabashada xilliga hore ee laga fulinayo guud ahaan dalka.”

Safiirka ayaa sheegtay in gargaarkani uu sidoo kale muujinayo “sida degdega ah iyo sida ay nooga go’an tahay in aan si buuxda u dhaqan gelinno Qaraarka tirsigiisu yahay 2642,” kaasi oo ku baaqaya in si aan caqabad laheyn gargaarka loogu oggolaado in uu gaaro dalka oo dhan.

Ambassador Thomas-Greenfield ayaa carabka ku adkeysay in “kaliya xal siyaasadeed oo waara oo laga gaaro khilaafkan uu u oggolaan doono dadka Suuriya in ay dib u dhistaan oo ay dib uga soo kabtaan” waxayna aad uga xumaatay xeeladaha is-hortaagga ah ee nidaamka Assad oo taageero ka helaya Ruushka oo ay xulufo yihiin kaasi oo dhaawacay horumarka dariiqqa nabadda ee uu qeexay Qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee tirsigiisu yahay 2254.

“Waa la dhaafay waqtigii ay taliska Assad iyo Ruushku ka dhabeyn lahaayeen ballanqaadkooda,” ayay tiri Ambassador Thomas-Greenfield. “Waa la dhaafay waqtigii ay qaadi lahaayeen mas’uuliyadda rabshadaha iyo xasillooni darrada. Waa la dhaafay waqtigii ay tallabooyin sax ah u sameyn lahaayeen dadka reer Suuriya.”

Waxa ay ku dhawaaqday “Si kastaba ha ahaatee, waxa aan sii wadi doonaa cadaadiska. Waxa aan gadaal ka riixi doonaa horumar. Waxa aan sii wadi doonaa in aan samayno wax kasta oo awoodeenna ah - sida aan maantaba samaynay oo aan ku dhawaaqnay kaalmada cusub ee dhan $ 756 milyan - si aan wax uga qabanno baahiyaha daran ee haysta dadka Suuriya.”

XS
SM
MD
LG