Accessibility links

Breaking News

Yareynta faraqa jinsiga ah ee dhanka beeraha


USA-COLOMBIA/
USA-COLOMBIA/

Tani waa faallo ka tarjumeysa arragtida Dowladda Mareykanka

Beeraha ayaa awood u leh in ay wax kobciyaan ayna yareeyaan saboolnimada Afrika, sida uu sheegay Bangiga Adduunka. Si kastaba ha ahaatee, waxa jira farqi u dhexeeya lab iyo dheddig oo baahsan ee dhinaca wax soo saarka beeraha, taas oo ay keenta faa'iido darro badan oo haweenku la kulmaan si ay u helaan kheyraad la mid ah, tababarka, suuqyada, iyo fursadaha ragga, oo caqabad ku ah kobaca dhaqaalaha, horumarinta beeraha, sugnaanta cuntada, iyo adkeysiga cimilada.

"Haweenka [beeralayda] ma heli karaan ilo dhaqaale oo la mid ah inta ay ragga awoodaan, iyaga oo xaddidaya awooddooda iibsashada dhuleed, abuur, iyo qalab,” ayay tiri Samantha Power oo ah madaxa USAID.

“Diirad saarid la'aanta waxbarashada gabdhaha ayaa ka hor istaagtay haweenka beeralayda ah inay helaan abagka dhijitaalka ah oo ay bartaan isticmaalka tignoolajiyada beeraha dhijitaalka ah, taas oo wiiqi karta saamaynta barnaamijyada sida Space to Place xitaa marka aan isku dayeyno inaan cabbirno. Iyadoo ay jirto tartanka, bilaash ku shaqaaleysiinta, sida cunta karinta, nadiifinta, iyo daryeelka carruurta, kuwaas oo inta badan iyaga u kali ah, haweenku waxay haystaan wakhti yar oo ay ku bixiyaan beerahooda marka loo eego ragga. Helitaanka abuur, qalab, iyo bacrimin la'aantan ayaa keentay farqi muuqda ee inta haweenku awoodaan inay wax ku soo saaraan."

Sababtaas awgeed, USAID waxay maalgalinaysaa nidaamyada cuntada ee beeralayda, gaar ahaan kuwa haweenka beeralayda ah, ay ku tiirsan yihiin. Tan waxaa ka mid ah "ballaarinta helitaanka abuurka cusub, hal-abuurka dhijitaalka ah, iyo ilaha dhaqaalaha, iyo sidoo kale siyaabaha lagu kaydiyo dalagyada xad-dhaafka ah loogana hortago luminta cuntada."

"Laakin waxa laga yaabaa in caqabadaha ugu muhiimsan ee hortaagan guusha haweenka beeralayda ahi ay tahay lahaanshaha dhulka," ayay tiri Power.

“Sida uu qabo Bangiga Adduunka, in ka badan saddex meelood meel dalalka ayaa weli ka jira xaddidid sharciyeed oo haweenka ku adkeynaya inay dhul iyo hantiba yeeshaan.

Waddamada kale, haweenka beeraleyda ah ayaa weli la halgamaya caadooyinka dhaqameed ee beeralleyda wiilashooda u diraya beeraha, gabdhahana aanan u dirin oo ay guriga joogaan. Taasi darted, waxay adduunka oo dhan, haweenku beeralleyda ah noqdeen 15 boqoliiba milkiilayaasha beeraha, taas oo xaddidaysa awood ay ku gaari karaan go'aannada wax iibsiga, helitaanka deynta iyo deymaha, iyo kordhinta wax soo saarka.”

Waxa halkan ka jira awood aad u weyn: haddii aan dabooli karno farqiga u dhexeeya jinsiga ee beeraha, Hay'adda Cuntada iyo Beeraha ayaa ku qiyaastay in aan gaajada ka saari illaa 150 milyan oo qof," ayay tiri Power.

"Waxaan ku boorrinayaa qof walba - dawladaha, bulshooyinka, kuwa aan faa'iido doonka ahayn, shirkadaha ganacsiga gaarka loo leeyahay, iyo shakhsiyaadka - inay beddelaan caadooyinka haweenka ku heynaya guriga oo ay bilaabaan baabi’inta caqabadaha sharci iyo qaab dhismeedka bulsho ee dib u dhigaya haweenka beeralayda, hoggaamiyeyaasha haweenka. Sababtoo ah markaan dumarka dib u celino, qof walba ayaan dib u celineynaa.”

XS
SM
MD
LG