Accessibility links

Breaking News

Mareykanka oo xayiraado kusoo rogay xubno ka tirsan argagixisada Soomaaliya


Tani waa faallo ka tarjumeysa aragtida dowladda Mareykanka.

Dabayaaqadii Sebtembar, dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday tallaabooyin cusub oo xooggan oo looga dan leeyahay in lagu naafeeyo awoodda kooxda argagixisada ah ee al-Shabaab ee ay dhaqaalaha ku ururinayaan iyo inay fuliyaan howlgallada xagjirka ah.

Iyadoo la tixraacayo dadaalkan, ayaa Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka iyo Waaxda Maaliyadda waxa ay ku dhawaaqday in cunaqabateyn lagu soo rogayo hoggaamiyeyaasha kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab, iyo shabakad shaqsiyaad oo fududeeya maalgelinta kooxda.
Oktoobar 17-keedii, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa shan hoggaamiye oo al-Shabaab ah u u aqoonsatay Liiska Gaarka ah ee Argagixisada Caalamiga ee ku jira Amarka Fulineed ee 13224.

Maxamed Mire waa hogaamiye sare oo Al-Shabaab u qaabilsan dhanka go’aan gaarista istaraatiijiyada kooxda, wuxuuna hogaamiyaa garabka gudaha ee kooxda, isaga oo dusha kala socda dhaq-dhaqaaqyo badan oo kooxdan ay kooxdu ka waddo Soomaaliya. Mire ayaa horay u soo noqday madaxa Zakawaatka iyo sidoo kale kooxda waxa ay kooxdu ugu yeerto “Gudoomiyaha” Gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.

Yaasir Jiis waa horjooge ka tirsan Al-Shabaab, waana taliyaha garabka hubeysan ee Jabha, oo weerarada fuliya.

Yuusuf Axmed Xaaji Nuurow oo loo yaqaano Gees Cade, ayaa madax ka ah garabka sirdoonka Al-Shabaab ee Amniyaadka, kaasoo door muhiim ah ka qaata fulinta weerarada ismiidaaminta iyo dilalka qorsheysan.

Mustaf Ato waa sarkaal sare oo ka tirsan Amniyaatka una qaabilsan xiriirinta iyo fulinta weerarada Al-Shabaab ee Soomaaliya iyo Kenya. “Ato waa hoggaamiyaha qorshe-hawleedyada muhiimka ah oo dibadda ah oo al-Shabaab fuliso, wuxuuna mas’uul ka ahaa weerarkii Westgate 2013, weerarkii Jaamacadda Garissa 2016, iyo weerarro kale oo ka dhacay Waqooyi Bari Kenya.

Mohamoud Abdi Aden waa hogaamiye al-Shabaab. Wuxuu ka qeyb qaatay qorsheynta weerarkii 2019-kii lagu qaaday Hotelka DusitD2 ee magaalada Nairobi ee dalka Kenya, kaasoo ay ku dhinteen 22 qof oo rayid ah.

Dhinaca kale, Waaxda Maaliyadda waxay magacawday shabakad ka kooban sagaal howl-wadeenno oo maaliyadeed oo al-Shabaab ah kuwaas oo haya door hoggaamineed oo u shaqeeya howl-wadeennada u dhexeeya al-Shabaab iyo shirkadaha maxaliga ah. Al-Shabaab ayaa ganacsiyada maxaliga ah ka qaadca lacag dhan 100 milyan oo doolar sanadkii, qarashkaas oo ay iyada iyo ururka al-Qaaciddaba ku maalgaliso.

Sagaalka maalgeliyayaasha ee la cunaqabateeyey ayaa kala ah Cabdullaahi Jeeri oo ah nin hubka si sharci darro ah ku soo geliya; Khaliif Cadale, oo Al-Shabaab u soo noqday madaxii dhaqaalaha ee ururinta lacagaha hay’adaha aan dowliga ahayn; Cabdikariim Xuseen Gaagaale, ku-xigeenka Waaxda Maaliyadda ee al-Shabaab; Cabdi Samad, oo ka tirsan mintidiinta al-Shabaab oo xiriir dhow la lahaa Golaha Sare ee Hoggaanka Al-Shabaab; Cabdiraxmaan Nuurey, oo ah dhexdhexaadiyaha al-Shabaab iyo ganacsiga gaarka loo leeyahay ee maxaliga ah; Mohamed Hussein Salad, Ahmed Hasan Ali Sulaiman Mataan, iyo Mohamed Ali Badaas oo qayb ka ah shabkada sida sharci darrada ah hubka ee Al-Shabaab ee Yemen.

Ugu dambeyn, Waaxda Arrimaha Dibedda ee Maraykanka ayaa abaal-marin lacageed oo dhan 5-milyan oo doollar ku bixinaysa ciddii keenta xog ku saabsan Xasan Afgooye oo ah hoggaamiye muhim ah oo al-Shabaab ka tirsan.

Mareykanka “wuxuu diiradda saarayaa shaacinta iyo carqaladeynta shabakadaha sharci darrada ah ee al-Shabaab ee ka howlgala Bariga Afrika,” ayuu yiri kaaliyaha xoghayaha maaliyadda ee dhinaca argagixisada iyo sirdoonka maaliyadda Brian Nelson.

“Waan sameyn doonaa sii wadida tillaabada ka dhanka ah tahriibinta hubka iyo dhaq-dhaqaaqyada dhaqaale uruurinta ee al-Shabaab iyo kuwa kale ee xiriirka la leh al-Qaacida.

XS
SM
MD
LG