Accessibility links

Breaking News

Mareykanka oo xayiraado kusoo rogay xubno ka tirsan Kuuriyada Waqooyi


Tani waa faallo ka tarjumeysa aragida dowladda Mareykanka

Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Kuuriya, ama DPRK, waxay sii waddaa xawaaraheeda cusub ee baaxadda gantaallada ballistic-ga ee sanadkan. Laga soo bilaabo Oktoobar 14 (wakhtiga Kuuriya), waxay horay u ridday 44 gantaal oo ballistic ah sanadkan, kuwaas oo lix ka mid ah ay ahaayeen gantaalada ballistic-ga ee qaaradaha isaga gudba.

Iyada oo laga jawaabayo, Maraykanku wuxuu ku soo rogayaa cunaqabatayn laba qof iyo saddex hay'adood oo lala xiriirinaayo gaarsiinta batroolka sifaysan ee DPRK, taas oo si toos ah u taageerta horumarinta barnaamijyada hubka DPRK iyo ciidankeeda.

Waaxda Maaliyadda ee Maraykanka ee Xakamaynta Hantida Shisheeye, ama OFAC, waxay u aqoonsaneysaa shirkadda New Eastern Shipping Co Ltd., oo ay weheliyaan shakhsiyaadka Kwek Kee Seng iyo Chen Shih Huan, ka qaybqaadashada wareejinta ama keenista batroolka la sifeeyay ee DPRK. OFAC waxa kale oo ay magacaabaysaa laba shirkadood oo ay leeyihiin ama ay maamulaan shakhsiyaadkan: Anfsar Trading iyo Swanseas Port Services.

Talaabooyinkan dartiis, dhammaan hantida iyo danaha hantida shakhsiyaadka iyo hay'adaha ku jira Maraykanka ama gacanta ku haya dadka Maraykanka waa in la xannibaa oo lagu soo wargaliyo OFAC. Xeerarka OFAC ayaa guud ahaan mamnuucaya dhammaan la macaamilka dadka la xannibay ama la magacaabay.

Qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa mamnuucaya in maraakiibta lagu wareejiyo ama laga soo dejiyo maraakiibta sita calanka DPRK, waxaana lagu xaddiday DPRK soo dejinta batroolka sifaysan 500,000 oo foosto sannadkii laga bilaabo 2018 – arrintaasi oo ay DPRK jabiso sannad kasta tan iyo markii la shaaciyay qaraarkaasi. Soo dejinta batroolka la safeeyey ee loo dhoofiyo DPRK oo aan lagu soo war galinin guddiga QM ee 1718, ayaa ah sharci darro.

"Rididda gantaalka riddada dheer ee DPRK, oo ay ku jirto kuwa lagu ridey hawada Japan, waxay muujinaysaa ixtiraam la'aanta joogtada ah ee qaraarada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay," ayuu yiri Brian Nelson, ku xigeenka Xoghayaha arrimaha Argagaxisada iyo Sirdoonka Maaliyadda. "Maraykanku waxa uu sii wadi doonaa in uu dhaqan geliyo cunaqabatayn dhinacyo badan leh oo uu daba galo dadaallada la doonayo in looga baxsado cunaqabataynta DPRK ee aduunka oo dhan, oo ay ku jirto iyada oo la magacaabayo kuwa taageera hawlahan."

XS
SM
MD
LG