Tani waa Faallo ka turjumaysa aragtida dawladda Maraykanka:
Dawladda Maraykanku waxay si adag u cambaaraynaysaa dib u soo celinta dagaalka ay wadaan kooxda hubaysan ee Dhaqdhaqaaqa 23-ka March, ama M23, ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo. Afhayeenka Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka Ned Price ayaa qoraal uu soo saaray ku yidh, “Dib u soo laabashada colaadaha tan iyo 20-kii October waxa ay sababeen dhibaato aad u weyn oo ay ka mid yihiin dhimasho iyo dhaawac soo gaadhay dadka rayidka ah iyo dad kale oo tiro badan oo barakacayaal ah. Maraykanku waxa uu ku baaqayaa in si degdeg ah loo joojiyo colaadaha iyo ixtiraamka xuquuqda aadanaha iyo sharciga caalamiga ah ee bini'aadantinimada."
M23 waa koox mintidiin ah oo ka hawlgasha bariga DRC, oo ka kooban fallaago ka goosatay ciidamada qalabka sida ee DRC. Waxaa jira warbixino lagu kalsoonaan karo oo ay taageerto dowladda Rwanda. M23 iyo qaar ka mid ah hogaamiyayaasheeda oo uu ku jiro Sultani Makenga, waxaa cunaqabatayn saaray Maraykanka iyo Qaramada Midoobay weerarro argagax leh oo lagu qaaday dad rayid ah.
Dagaalyahannada M23 ayaa dhawaan qabsaday magaalooyin badan iyo laba waddo oo waaweyn oo ku yaalla gobolka Waqooyiga Kivu ee DRC. Ugu yaraan 20 qof oo rayid ah ayaa la dilay, ugu yaraan 50 kalena waa la dhaawacay, lix ka mid ah nabad-ilaalinta oo ka socday Hawlgalka Xasilinta ee Qaramada Midoobay ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, ama MONUSCO, ayaa ku dhaawacmay. Weerarku waxa uu barakiciyey dad lagu qiyaasay 475,000 tan iyo 20kii Oktoobar, iyada oo 200,000 kale.
Kulan kooban oo golaha ammaanka ka dhacay, danjire Robert Wood, oo ah wakiilka Mareykanka u qaabilsan arrimaha gaarka ah ee siyaasadda, ayaa ugu baaqay Rwanda inay joojiso taageerada ay siiso M23, wuxaanu xusay in MONUSCO ay weli muhiim u tahay nabad ku soo dabaalidda bariga DRC iyo guud ahaan gobolka. "Waxay u adeegaysaa ujeedo muhiim ah…: ilaalinta rayidka, carqaladaynta shabakadaha sharci darrada ah, iyo caawinta xasilinta maamulka iyo hay'adaha amniga," ayuu yidhi.
Danjire Wood wuxuu carrabka ku adkeeyay in nabad lagu gaaro "waxay ku xiran tahay geeddi-socod siyaasadeed, rabitaan siyaasadeed, iyo xal siyaasadeed. Si taas loo gaadho," ayuu yidhi, "Mareykanku wuxuu ku dhawaaqay bishii Sebtembar 13 milyan oo dheeri ah oo maalgelin ah si loogu taageero hannaanka doorasho ee hufan oo ka dhacda DRC.
Xoojinta hay’adaha dimoqraadiga, cadaalad u horseeda dhibanayaasha, la xisaabtanka jkuwa dambiyada galay, ixtiraamka madaxbanaanida dhuleed ee dawladaha, iyo in mudnaan la siiyo rayidka waxay gacan ka geysan doontaa nabad ku soo dabaalida harooyinka waaweyn. Dadka gobolku wax ka yar ma mudan yihiin.”