Accessibility links

Breaking News

Mareykanka oo xayiraad saaray shabakadaha hubka gudbiya ee Bariga Afrika


Tani waa Faallo ka turjumaysa aragtida dawladda Maraykanka

“Kooxaha argagixisada ah ee ka hawlgala bariga Afrika ayaa sii wada dhibaatada ay Soomaaliya ka wadaan, iyagoo beegsanayadadka rayidka ah ee Soomaaliyeed, shaqaalaha rayidka ah si ay cabsi ugu abuuraan. 29-kii Oktoobar, al-Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda qaraxii khasaaraha badan dhaliyay ee ka dhacay Muqdisho kaasoo galaaftay nolosha in ka badan 100 qof, isla markaana ay ku dhaawacmeen ku dhawaad 300 oo qpf oo rayid ah.

Maraykanku waxa uu “go’aan toos ah ka qaatay shabakadaha maalgeliya ma kuwa lacagaha u sii gudbiya argagixisada gaar ahaan ISIS-Somalia iyo al-Shabaab ee taageera falalkooda rabshadaha ah.” Ayuu yidhi Brian Nelson.

Mareykanka ayaa kooxda Daacish-Soomaaliya u magacaabay shabakad ka ganacsata hubka, saaxiibadoodana u fududeta hubka lagu wareejinayo kooxda argagixisada ah. waxay udub dhexaad u yihiin shabakad ka ganacsata hubka oo si adag ugu biirtay Daacish-Somalia. Shabakadahan ayaa inta badan ka howlgala inta u dhaxeysa Yemen iyo Soomaaliya, waxaana ay xidhiidh adag la leeyihiin Al-Qaacidada Jaziirada Carabta iyo Al-Shabaab. Waaxda Maaliyadda ayaa sidoo kale magacawday taageeraha muhiimka ah ee ISIS ee Osama Abdelmongy Abdalla Bakr. Sannadkii 2016-kii, madaxda sare ee ISIS ayaa ku amray Bakr inuu hub iyo qalab milateri u geeyo kooxda argagixisada ah.

Ku lug lahaanshaha kuwa loo qoondeeyay fal-dambiyeedyo kale, oo ay ku jiraan budhcad-badeed iyo kalluumaysi sharci-darro ah, waxay muujinaysaa heerka uu gaarsiisan yahay ku-birdie Daacish-Soomaaliya ee shabakadaha sharci-darrada ah iyo ururrada kale ee argagixisada ah ee ka hawl-gala gobolka.

Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa ISIS-Soomaaliya u magacawday 27-kii February, 2018, iyo sidoo kale C/qaadir Muumin, hoggaamiyaha Daacish-Soomaaliya, august 11, 2016, inay yihiin Argagixiso caalami ah iyadoo la raacayo Amarka qaraarka 13224. Daacish ayaa si isa-soo tareysa u dooneysay inay u abuurto. dakhliga Bariga Afrika. ISIS-Somalia, oo sii wadda inay fuliso weerarrada argagixisanimo ee ka dhanka ah dadka rayidka ah, ayaa inta badan ka soo saarta maaliyaddeeda iyada oo baadda ka quad bulshooyinka maxalliga ah si ay u maalgeliyaan una qortaan. Kooxdan ayaa ciqaab, caga-jugleyn iyo dil u geysata ganacsatada Soomaaliyeed iyo dadka rayidka ah ee aan ka taageerin dhaqaale iyo sahay.

Mareykanka ayaa sii wadi doona wada shaqeynta uu la leeyahay saaxiibada Bariga Afrika si looga hortago dhaqaalaha Daacish iyo Al-Shabaab si looga sifeeyo kooxahan argagixisada ah.

XS
SM
MD
LG