Accessibility links

Breaking News

Mareykanka iyo Kuuriyada Koonfureed waa iska difaaci doonaan gardarrada Kuuriyada Waqooyi


Tani waa faallo ka tarjumaysa aragtida dowladda Mareykanka.

Horraantii bishan November, Korea-da wuqooyi ee loo yaqaanno Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ee Korea ama DPRK ayaa tuurtay gantaallo kale oo ay kujiraan kuwa cirka oo ku dhacay meel 57 KM u jirta Korea-da koofureed oo iyadana loo yaqaanno Jamhuuriyadda Korea- ama ROK.

Mid kale oo Gantaallada kamid ah oo ay ridday isla horraantii November ayaa ahaa kuwa qaaradaha isaga kala goosha, kaas oo ay sheegatay DPRK inuu qaadi karo madaxyada hubka Nuclear-ka. Pyonyang ayaa ku dhawaaqday in weerarraadsi ay ahaayeen dhoolla tus ka dhan ah bartilmaameedyada ROK iyo Mareykanka.

Dajniraha Mareyka u jooga Qaramada midboobay Linda Thomas-Greenfield oo ka hadlaysay Golaha ammaanka ee Qaramada midoobay iyadoo warbixin ka siinaysa gantaallada ay tuurtay DPRK ayaa si xooggan u cambaaraysay, weerradii u dambeeyay gantaallada ee DPRK tan iyo 27kii October.

Waxay hoosta ka xarriiqday in tijaabadii u dambeysay ee gantaallada qaaradaha isaga kala gudba ay si weyn uga walaacsan yihiin.

Thomas-Greenfield ayaa ku dhawaaqday hab dhaqanka fowdada ah ee DPRK uu ka badan yahay horumarinta awoodaha milatari ee sharci darrada ee DPRK iyo in la wiiqo xeerka xakameynta faafista hubka Nuclear-ka. Tani waxay sidoo kale la xiriirtaa iskudayga DPRK ay sida kutalagalka ugu kicinayso xiisadda iyo cabsida ay ku abuurayso dariskeeda.

\Iyadoo laga jawaabaayo habdhaqanka xadgudubka ah ee DPRK ee bilihii lasoo dhaafay, Mareykanka iyo ROK waxay sii kordhiyeen iskaashigooda ay ku xoojinayaan ammaankooda wadaagga ah.

Bishii July Mareykanka ayaa diyaaradaha dagaalka ee Jiilka shanaad geeyay ROK, Bishii October-na markabka dagaal ee gantaallada iyo dayuuradaha xambaara ee kooxda USS Ronald Reagan Carrier Strike Group ayuu geeyay badda Japan, kadib markii Pyonyang gantaalka riddada dheer ee ballistic-ga ay u tuurtay dhinaca Japan.

Maalin kadib gantaalkii DPRK ay ridday horraantii November , xoghaya gaashaandhigga ee Mareykanka Lloyd Austin iyo dhiggiisa ROK Lee Jong-sub ayaa ku yeeshay xarunta Pantagon-ka shirkii 54aad ee Mareykanka iyo Jamhuuriyadda Korea ee wadatashiga amniga.

XS
SM
MD
LG