Accessibility links

Breaking News

Abaal-marin la xiriirta xoga burcadda Haiti


Tani waa faallo ka tarjumaysa aragtida dowladda Mareykanka.

Burcadda qaswadayaasha Haiti ayaa sii wada in ay argagixiyaan shacabka reer Haiti, iyaga oo ku kacaya falal isugu jira afduub, dil iyo kufsi.

Si loola xisaabtamo kuwa masuulka ka ah rabshadahaasi, ayuu Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Antony Blinken ku dhawaaqay abaalmarin lacageed oo gaareysa $1 million qofkiiba, taasoo uu helayo qofki keena macluumaad horseedeysa xariga ama maxkamadeynta saddex nin oo ka mid ah xubnaha mooryaanta Haiti, kuwaas oo kala ah— Lanmò Sanjou, Jermaine Stephenson iyo Vitel‘Homme Innocent. Burcaddaan ayaa loo heystaa ku lug lahaashaha ama ka qeybgalka ama isku dayga urur-danbiyeedyo abaabulan oo caalami ah.

Sidaasi si la mid ah ayay Waaxda Caddaaladda Mareykanka ku dhawaaqday eedo ka dhan ah saddexdan ruux, sababo la xiriira kaalinta ay ku lahaayeen afduub sannadki 2021ki loo geystay muwaadiniin Mareykan ah.

16-ki October, 2021, Burcadda 400 Mawozo ayaa fuliyay shirqool lagu afduubay 17 ruux oo ka tirsanaa dadka fidiya diinta Masiixiga, kuwaas oo isugu jiray 16 u dhashay Mareykanka ah iyo 1 Canadiyan ah. Dadkaasi ayay u qabsadeen madaxfurasho.

Kooxdaasi la heystayaasha ahaa ayaa la afduubay kaddib marki ay booqdeen xarun agoon oo ku taallla magaalada Ganthier ee bariga caasimadda Port-au-Prince.

Inta badan dhibbanayaasha ayaa la heystayaal ahaa 61 maalmood ka hor inta aysan soo baxsan, waxaana kooxdaasi ku jiray shan carruur ah oo kan ugu yar uu jiray sideed bilood muddadi la afduubayay.

Marka laga soo tago eedaha afduubka, Waaxda Caddaaladda waxay ku dhawaaqday dacwado ka dhan ah afar muwaadin oo kasoo jeeda Haiti oo hogaamiya saddex urur oo fuliya howlo burcadnimo ah, kuwaas oo door ka ciyaaray afduubka muwaadiniinta Mareykan ahaa.

"Waxaa naga go'an inaan ka garab shaqayno hay'adahayada caalamiga ah iyo saaxiibadeenna caalamka, si aan u carqaladeyno qorshayaashan afduubka madax-furasho ee khatarta ku ah nolosha muwaadiniinta Mareykanka iyo kuwa hurinaya rabshadaha lagu waxyeeleynayo dadka Haiti," ayuu yiri Xeer Ilaaliyaha Guud ee Mareykanka Merrick Garland.

Maraykanku waxa uu taageeraa hey’adaha amniga Haiti si loo dhaqan geliyo ku dhaqanka sharciga Haiti iyo la dagaalanka dambiyada abaabulan ee caalamiga ah. Abaalmarinadan ayaa qayb ka ah ballanqaadka Mareykanka ee ah in uu taageero dadka Haiti maadaama ay ay ku dhaceyso dhibaatada ugu daran.

Barnaamijka Abaalmarinta Dambiyada Abaabulan ee Caalamiga ah oo uu weheliyo Barnaamijka Abaalmarinta Maandooriyaha ayaa gacan ka geystay, in cadaaladda la horkeeno in ka badan 75 dambiilayaal caalami ah iyo kuwa safriya mukhaadaraadka nuucyadiisa culus.

Waaxda Arrimaha Dibedda ee Maraykanka ayaa bixisay in ka badan $155 milyan oo abaal-marin ah iyada oo u mareysa barnaamijyadan, taasoo la siiyay qof kasta oo keenay xog horseeday in la soo qabto ama la xukumo danbiilayaasha.

Qof walba oo haya xog ku saabsan Lanmò Sanjou, Jermaine Stephenson, ama Vitel‘Homme Innocent, waxay la xiriiri kartaa hey’adda FBI iyada oo kala xiriireysa nambarkan +305-495-0956 oo ah khadka WhatsApp, ama dhanka internetka oo aad kala xiriiri karto Tips.fbi.gov.

Haddii aad joogto meel ka baxsan Mareykanka, waxaad booqan kartaa safaaradda kuugu dhaw ee Mareykanka ama Qunsuliyadda. Gudaha Mareykanka waxaad sidoo kale la xiriiri kartaa xafiiska kuugu dhaw ee FBI-da.

XS
SM
MD
LG