Accessibility links

Breaking News

Calaamadeynta kuwa ku xadgudba xoriyadda diinta


FILE - U.S. Secretary of State Antony Blinken gestures during a press conference held as part of a NATO meeting in Bucharest, Romania, Nov. 30, 2022.
FILE - U.S. Secretary of State Antony Blinken gestures during a press conference held as part of a NATO meeting in Bucharest, Romania, Nov. 30, 2022.

Tani waa faallo ka turjumeysa aragtida dowladda Mareykanka.

Adduunka oo dhan, dawladaha iyo heyadaha aan dawliga ahayn waxay hanjabaad, xadgudubyo, xarig, ama xitaa ay dilaan dadka waxyaabaha ay aaminsan yihiin. "Maraykanku ma garab istaagi doono xadgudubyadan," ayuu yiri xoghayaha arrimaha dibadda Antony Blinken oo hadalkan soo saaray.

Sida uu dhigayo Xeerka Xoriyadda Diinta ee Maraykanka ee sanadkii 1998, oo Madaxweynuhu saxiixey, uuna u xilsaarey xoghayaha arrimaha dibada, waa in uu magacaabaa dalalka walaaca gaarka ah leh ee loo arko in ay ku xad-gudayaan xorriyadda diinta si nidaamsan si guud iyo si baahsanba.

Iyadoo la raacayo wadamadii sannadkii hore liiskooda la soo saarey, labadaba Iran iyo Shiinahaba waxay ka mid ahaayeen wadamada uu Xoghaye Blinken sheegey inay yihiin Waddamo walaac gaar ah laga qabo.
Dalka Iran, mas'uuliyiintu waxay dileen boqolaal qof intii ay socdeen hawlgallo rabshado wata oo ka dhan ah dibadbaxayaal nabadeed.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in 14,000 oo qof loo xiray mudaaharaadyo ka dib xadhigii Sebtembar 16-keedii iyo dilkii loio geystey gabar da’yar oo Kurdish ah, oo lagu magacaabo Mahsa Amini, oo xijaabkeeda si khaldan u xiratey. Qaramada Midoobay waxay kaloo xustay in talisku uu sare u qaaday beegsiga diimaha laga tirada badan yahay oo ay ku jiraan Baha'is, Muslimiinta Sunniga ah, Masiixiyiinta iyo dadka aanan diimaha heysan.

Jamhuuriyadda Dadka Shiinaha, Xoghaye Blinken wuxuu Mareykanka dib ugu xaqiijiyay "walaaca ba'an ee ku saabsan xasuuqa socda iyo dambiyada ka dhanka ah aadanaha" ee mas'uuliyiinta PRC ay ku hayaan inta badan Muslimiinta Uighurs iyo xubnaha qowmiyadaha kale iyo kooxaha diimeedyada laga tirada badan yahay ee Xinjiang.

Wadamada soo haray ee loo aqoonsaday inay yihiin wadamada sida gaarka ah walaaca looga qabo waxaa ka mid ah Burma, Cuba, Eritrea, Nicaragua, the Democratic People’s Republic of Korea, Pakistan, Russia, Saudi Arabia, Tajikistan, iyo Turkmenistan.

Xoghaye Blinken waxa kale oo uu Aljeeriya, Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe, Comoros, iyo Vietnam ku daray liiska wadamada ku hwolan ama u dulqaata xad-gudubyada daran ee xorriyadda diinta.

Intaa waxaa dheer, kooxo badan ayaa loo aqoonsaday inay yihiin Hay'ado walaac gaar ah leh, oo ay ku jiraan al-Shabaab, Boko Haram, Hayat Tahrir al-Sham, Xuutiyiinta, ISIS-Sahara Weyn, ISIS-West Africa, Jama'at Nusrat al-Islam wal-Muslimin , Taliban, iyo Kooxda Wagner oo ku salaysan falalkooda Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe.

Xoghaye Blinken ayaa yiri "Waxaan sii wadi doonnaa inaan si taxaddar leh ula soconno xaaladda xorriyadda diinta ama caqiidada waddan kasta oo adduunka ah inagoo u doodi doona kuwa wajahaya cadaadis diimeed ama takoor,” Maraykanku waxa uu soo dhawaynayaa fursad uu kula kulmo dhammaan dawladahan si wax looga qabto sharciyada iyo dhaqamada aan buuxin heerarka caalamiga ah, iyo in la qeexo tillaabooyinka la taaban karo iyo dariiqa looga saarayo wadamadan liisaskan.

XS
SM
MD
LG