Accessibility links

Breaking News

Dilalka oo loo adeegsanayo aalad argagax gelin, Iran


Tani waa faallo ka tarjumeysa aragtida dowladda Mareykanka

Mas'uuliyiinta Iran waxay xukunka dilka u adeegsanayaan "qeyb muhiim ah" oo ah dadaallada lagu xakameynayo mudaaharaadyada nabadeed, ayuu yiri afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka Ned Price.

Waxuu sheegay in dillka toogashada uu ay yahay farsamo aragagixiso, ka dib markii ay soo baxdey warka sheegaya in 7-dii Janaayo Iran ay dil toogasho ah ku fulisay laba nin oo kale oo dhalinyaro ah oo lala xiriirinayo mudaaharaadyo dalka ka dhacay ka kadib markii xabsi Booliis ay ku dhimatey Mahsa Amini bishii September.

"Waan ka argagaxsanahay, dilka Iran ee Mohammad Mehdi Karami iyo Mohammad Hosseini iyo xukunadan, waxaan ku daraynaa arinkan shaqsiyaad dheeraadka ah ee dilka wajaahayo ee ku lugta lahaa mudaahraadyada. Labadan qof ayaa la dilay, waxaana la saarey maxkamadayn been abuur ah, oo lagu degdegay, oo aan lahayn wax damaanad qaad ah oo maxkamadeed. Waxaan si adag u cambaaraynaynaa xukunnadaas dilka ah.”

Hay’adaha xuquuqul insaanka ee lagu kalsoon yahay ayaa ku qiyaasay in ka badan 12 qof lagu soo rogay Iran xukunno dil ah oo lala xiriirinayo mudaaharaadyada. Intaa waxaa dheer, in ka badan 500 oo qof waxaa dilay ciidamada ammaanka Iran, in ka badan 18,000na waa la xiray.

Xafiiska Wakiilka Sare ee Qaramada Midoobay ee Xuquuqda Aadanaha ayaa ka xumaaday "dal-dalaaddahan naxdinta leh" ee Karami iyo Hosseini ka dib "tijaabooyin aan caddaalad ahayn oo ku salaysan qirasho khasab ah."

Ergeyga gaarka ah ee Maraykanka u qaabilsan Iran Robert Malley ayaa bartiisa twitterka ku sheegay "anaga iyo caalamka kaleba waxaanu sii wadi doonaa in aan la xisaabtano hogaanka Iran."

Bishii Disembar, Mareykanka iyo Midowga Yurub waxay cunaqabateyn ku soo rogeen shaqsiyaad iyo hay'ado dheeri ah sababtoo ah doorkooda ku aaddan jawaabta rabshadaha ah ee taliska Iran ee mudaaharaadyada. Kadib xukunadii ugu dambeeyay, Canada waxay ku dhawaaqday cunaqabatayn dheeri ah sidoo kale.

Afhayeen Price, ayaa shaacaka qaadey in sannadkii hore Maraykanku uu si guul leh ugu riixay in Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay uu sameeyo Guddi Xaqiiqo Raadin ah oo baara xadgudubyada ka dhanka ah xuquuqda aadanaha ee Iran, gaar ahaan haweenka iyo carruurta tan iyo markii ay mudaaharaadyadu bilaabeen bishii Sebtembar.

“Siyaasadda/Dhaqdhaqaaqyada] “Si aan u aragno in hay’adda ugu sarreysa adduunka, dhinacyo badan, ay leedahay guddi joogta ah oo si gaar ah iyo si gaar ah loogu tababaray bahalnimada uu maamulka Iran ku hayo muwaadiniintiisa. ”

Maraykanku wuxuu sii wadi doonaa inuu ka caawiyo Hawlgalka Xaqiiqda Raadinta "si uu u fuliyo hawshii loo dejiyey," ayuu yiri Afhayeenka Price, "anaga oo sii wadeyno inaan ka dhaadhicino Q.M indhahooda [iyo] saaxiibadayada waxa dhacaya. dadka reer Iran."

XS
SM
MD
LG