Accessibility links

Breaking News

Mareykanka oo soo dhoweeyey istaraatiijiyadda cusub ee Kuuriyada Koonfureed ee INDO-PACIFIC


Tani waa faallo ka tarjumeysa aragtida dowladda Mareykanka

Jamhuuriyadda Kuuriya (ROK) ayaa dhaqangelisay istaraatejiyadda cusub ee Indo-Pacific, si loo horumariyo xoriyadda, nabadda iyo barwaaqo ku noolaanshaha gobolka. Gobolka Indo-Pacific ayay ku nool yihiin, kala badh, dadka ku nool caalamku, wuxuuna hoy u yahay saddex meeloodow-laba meelood oo ka mida dhaqaalaha caalamka.

“Maraykanku wuxuu soo dhoweynayaa dhaqangelinta Jamhuuriyadda Kuuriyada ee istaraatejiyadda cusub ee Indo-Pacific, taas oo ka tarjumaysa sida ay [labadayada dhinacba] nooga go’an tahay amniga gobolka iyo in ladnaantiisu ay sii korodho” ayuu yidhi la-taliyaha amniga qaranka ee Maraykanku Jake Sullivan.

Gobolka Indo-Pacific wuxuu waajahayaa caqabado isa soo taraya, gaar ahaan kuwa uga imanaya Jamhuuriyadda dadka ee Shiinaha (PRC).

Shiinuhu waxay awoodooda dhaqaale, tan milateri, tan diplomaasiyadeed iyo tan farsamada casriga ahba ay u isticmaalaan inay ugu cago-jugleeyaan dalalka ku yaalla gobolka Indo-Pacific. Falalkani waxay wiiqeen xuquuqdii aadanaha, nidaamkii iyo kala dambayntii caalamiga ahayd, iyo weliba shuruucdii caalamiga ahayd, oo ay ku jiraan xuquuqda hagidda.

Sababtan awgeed, La-taliyaha amniga qaranka ee Maraykanka Sullivan wuxuu ammaanay istaraatiijiyadda Jamhuuriyadda Kuuriya, taasoo "dejinaysa hab dhammaystiran oo muujinaya sida ay uga go'an tahay…in la dhaqan geliyo qiyamka caalamiga ah, sida sarraynta sharciga iyo xuquuqda aadanaha”.

Lataliye Sullivan ayaa sidoo kale tilmaamay muhiimadda Jamhuuriyadda Korea ay u leedahay adkaynta in la xakameeyo faafista [hubka wax gumaada] iyo ka hortagga falalka argagixisada ee gobolka Indo-Pacific. Gaar ahaan, barnaamijka hubka wax gumaada ee Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ee dadka Kuuriya, taasoo halis badan ku haysa gobolkaas iyo weliba caalamka oo dhan.

Mareykanka wuxuu sii wadi doonaa inuu la shaqeeyo Jamhuuriyadda Kuuriya, si uu u dhamaystiro in gacanka Kuuriya laga cidhibtiro hubka wax gumaada. Intaas waxaa dheer, in Jamhuuriyadda Kuuriya ay ka go’antahay in la hirgeliyo qaraarkii golaha ammaanka ee cunaqabataynta lagu saarayey Kuuriyada Woqooyi (DPRK), iyo inaanu dalkaasi ka baxsan cunaqabataynada la saaray.

Ugu dambeyntii, Mareykanka wuxuu soo dhaweynayaa himilada Jamhuuriyadda Kuuriya ee ah "kor u qaadista isku xidhka amniga dhaqaalaha gobolka, iskaashiga sayniska iyo tignoolajiyada, iyo ka-qaybgalka isbeddelka cimilada iyo amniga tamarta."

"Waxaan u hanweynahay madaxweyne Yoon iyo hoggaanka Jamhuuriyadda Korea, annaga oo ugu hambalyaynayna shacabka dalkaasi, istaraatiijiyaddooda cusub," ayuu yidhi La-taliyaha Sullivan.

XS
SM
MD
LG