Accessibility links

Breaking News

Turkey iyo Mareykanka oo carqaladeynaya maal-gelinta Daacish


Tani waa faallo ka tarjumaysa aragtida dawladda Maraykanka

Maraykanka iyo Turkiga ayaa xayiraad ku soo rogay illaa afar qof iyo laba shirkadood oo qayb ka ah, shabakadaha fududeeya dhaqaalaha lagu maalgeliyo kooxda argagixisada ah ee ISIS, ee fadhigeedu yahay Ciraaq iyo Syria. Xubnahan ayaa waxay kaalin ka qaateen shaqaalaynta xubnaha ku biiraya kooxda ISIS iyo weliba xawilaadda lacago loo diray ama laga soo diray Ciraaq iyo Syria.

5tii bishii January, xafiiska la socodka hantida debedda ee wasaaradda Maaliyadda ee Maraykanka ayaa u aqoonsaday aasaasaha shabakaddan, Abd Al Hamid Salim Ibrahim Ismail Brukan al-Khatuni; wiilashiisa Muhammad Abd Al Hamid iyo Umar Abd Al Hamid; iyo weliba Lu’ay Jasim Hammadi al-Juburi, iyadoo la raacayo amarka fulinta ee tirsigiisu yahay 13224, inay taageero maaliyadeed u fidiyeen koox argagixiso ah. Isla markiiba, masuuliyiinta dalka Turkiga ayaa xayiray hantidoodii.

Abd Al Hamid Salim Ibrahim Ismail Brukan al-Khatuni waa muwaadin u dhashay dalka Ciraaq, isaga oo si sharci-darro ah ugu nool dalka Turkiga. Sannadihii la soo dhaafay wuxuu soo qabtay madaxa maalgelinta debedda ee ISIS gaar ahaan qaybtooda ay ugu yeedhaan Wilayat al-Jazirah ee dalka Ciraaq. Isaga oo soo maamulay shabakadda maalgelinta ee kooxdaas ee Turkiga. Sidoo kale wuxuu kaalin mug leh ka ciyaaray in isaga oo adeegsanaya shabakaddiisa inuu fududeeyey xawilaadda lacagaha lagu taageerayo ururka ISIS iyo madaxdiisa sare.

Wiilashiisa oo lagu kala magcaabo Muhammad Abd Al Hamid Salim Brukan al-Khatuni iyo Umar Abd Al Hamid Salim Brukan al-Khatuni waxay xubno ka yihiin shabakadda fududaynta maaliyadda ee kooxda ISIS. Bishii June ee sannadkii 2021, waxay kala shaqeeyeen una fududeeyeen xawilaadda, lacag ka badan 500,000 oo doolar, sarkaal dhinaca maaliyadda u qaabilsan ururka ISIS.

Lu’ay Jasim Hammadi al-Juburi waa xubin ka tirsan ururka ISIS oo qaabilsan fududaynta lacagaha la kala wareejiyo, isaga oo adeegsanaya Sham Express, oo ah shirkad xawaaladeed oo fadhigeedu yahay dalka Turkiga oo uu aasaasay Brukan al-Khatuni sannadkii 2020. Shirkaddan ayuu lacagaha, uu leeyahay ururka ISIS ugu kala wareejin jiray dalalka Turkiga, Syria iyo Ciraaq.

Maadaama ay xubnahani ay ku lug yeesheen fududaynta iyo kala wareejinta lacagaha loo diro ururka ISIS, iyaga oo isticmaalaya shirkadohooda ku yaalla dalka Turkiga, ee Wadi Alrrafidayn for Foodstuffs iyo Sham Express, sidaas awgeed, labadan shirkadoodna waxaa lagu daray liiska xayiraadda la saaray.

Shirkadda Wadi waxaa lagu eedeeyey inuu xukumo Brukan al-Khatun. Shirkadda xawaaladda ee Sham Express, oo si sharci-darro ah lacagaha ugu kala xawisha Turkiga, Syria iyo Ciraaq, iyada oo u adeegaysa ururka ISIS, ayaa sidoo kale xayiraad lagu soo rogay, iyada oo lagu helay inay si wax ku ool ah u caaiyaan ururka ISIS.

Tallaabada la qaaday bishii January 5-teeda “ayaa hoosta ka xariiqday, ballanqaadkii wasaaradda maaliyadda [ee Maraykanka] ee ahaa inay hoos u dhigto awoodda kooxda ISIS, ay u yeelan karto inay u hawlgasho si caalami ah”, sidaas waxaa sheegay Brian E. Nelson oo ah xoghaye ku xigeenka Maaliyadda ee Maraykanka u qaabilsan la dagaalanka argagixisada iyo sirdoonka maaliyadda. Hadalkiisa ayuu sii raaciyey “Xayiraadahan la soo rogay waa natiijada wada shaqayn dhow oo aan yeelanay dhiggayaga Turkiga, si loo beegsado hawlgallada ururka ISIS ee gobolka,” ayuu yidhi.

XS
SM
MD
LG