Tani waa faallo ka turjumeysa aragtida Dowladda Mareykanka
Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Yemen Hans Grundberg oo warbixin kooban Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ka siiyay xaaladda dalkaas ayaa sheegay in iskaashi diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Xuutiyiinta iyo Sacuudi Carabiya uu noqon karo "tallaabo suurtagal ah oo isbeddel leh oo beddeleysa jihada colaadda siddeedda sano jirsatay."
Sagaalkii bilood ee la soo dhaafay ayaa la arkayay xasilloonidii ugu dheereyd ee dalkaas ka dhacda tan iyo markii fallaagada Xuutiyiinta ee ay taageerto Iran ay qabsadeen magaalada caasimadda ah ee Sanca sannadkii 2014. Colaadda ayaa si toos ah iyo si dadbanba u galaaftay nolosha boqolaal kun oo Yemeni ah, waxayna abuurtay waxa Qaramada Midoobay ugu yeerto masiibada bini'aadanimo ee ugu xumeyd aduunka.
In kasta oo aan si rasmi ah loo kordhin xabbad-joojinta ay dhexdhexaadisay Qaramada Midoobay ee dhacay bishii Oktoobar ee sanadkii 2022, haddana waxaa la dareemayaa hoos u dhac weyn oo ku yimid khasaaraha rayidka intii lagu guda jiray xabbad joojinta.
Ku xigeenka wakiilka Mareykanka ee Qaramada Midoobay Richard Mills ayaa soo dhaweeyay xasilloonida Yemen wuxuuna rajo ka muujiyay in "dhinacyadu ay gaari karaan heshiis cusub oo la ballaariyay oo u gogol xaaraya nabad loo dhan yahay oo waarta." Heshiiska noocan oo kale ah waa inuu wax ka qabtaa baaqyada Yemeniyiinta ee ku aaddan caddaaladda iyo isla xisaabtanka, sida uu horay u sheegay xoghayaha arrimaha dibadda Antony Blinken. Si nabaddu u u jirto, Xuutiyiintu waa inay joojiyaan weerarrada ka dhanka ah kaabayaasha dhaqaalaha Yemen, ayuu yidhi danjire Mills.
"Weeraradani waxay halis ku yihiin inay Yemen dib ugu celiyaan colaadda, waxayna Yemaniyiinta ka reebayaan kheyraadka ay aadka ugu baahan yihiin, waxayna uga sii dari doonaan dhibaatada bini'aadanimo."
Danjire Mills ayaa sidoo kale wax laga xumaado ku tilmaamay hubka joogtada ah ee ay Iran u dirto Xuutiyiinta.
"Faragelinta dibadeed ee noocan oo kale ah waxay sii hurin kartaa dagaalka iyo silica shacabka Yemen xilli Yemeniyiintu ay ugu baaqayaan Xuutiyiinta inay wada xaajoodka galaan si colaadda loo joojiyo."
Sida ugu wanaagsan ee ay Xuutiyiintu ku gaari karaan himilooyinkooda waa in ay la yimaadaan heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay, waara oo ay la galaan Dowladda Yemen. kaas oo ay garwadeen ka tahay Qaramada Midoobay, ayuu yiri Danjire Mills. "Kaliya heshiiska siyaasadeed ee Yemeniyiinta dhex-mara ayaa beddeli kara dhibaatada bini'aadanimo ee ka oogan Yemen."
"2023 waxa ay nabada siinaysaa fursad gaar ah. Maraykanka iyo beesha caalamku waxay diyaar u yihiin inay taageeraan geedi socodka nabadda iyo soo kabashada. Si kastaba ha ahaatee, Yamaniyiinta laftooda ayaa ku qasban inay doortaan nabadda.
Danjire Mills ayaa isaga ii Xuutiyiinta la hadlaya yiri, "si daacadnimo ku jirto, aan uga faa'iidaysanno wakhtigan gaarka ah ee xasilloonidu jirto, oo aan nabad iyo mustaqbal ifaya ka dooranno dagaal badan iyo silic badan."