Accessibility links

Breaking News

La-tacaalidda wejiga cusub ee musuq-maasuqa


Tani waa faallo ka turjumeysa aragtida Dowladda Mareykanka

Musuqmaasuqu waa aafo. Wuxuu baabi'iyaa kalsoonida, wuxuu wiiqaaa horumarka, wuxuu meesha ka saaraa kalsoonida lagu qabo hay'adaha dimuqraadiga ah, wuxuuna carqaladeeyaa kobaca dhaqaalaha. Ugu dambayntii, waa muwaadiniinta midka dhabarka u ridanaya cawaaqibka ka dhasha kor-u-kaca qiimaha, khayraadka yar ee lagu maalgeliyo dowladda, iyo deegaanka oo aan mudnaan la siinin.

Dadka intooda badan marka ay musuqmaasuq maqlaan waxaa u sawirmaya laaluush la bixiyo iyada oo adeeg lagu baddalanayo, ama madaxda oo u dhacda khasnadda dowlada. Laakin "musuqmaasuqa hadda ma ahan oo kaliya in shaqsiyaadka awoodda haya ah ay xadaan xoolaha qarankooda.

Xoolo badan oo lagu noolaado - waa dhisidda nidaam dowladeed oo dhameystiran - oo ay caawinayaan fududeeyayaasha ka baxsan xuduudahooda," ayay tiri Samantha Power maamulaha USAID.

"Ka faa'iidaysiga nidaamka maaliyadeed ee caalamiga ah ee mugdiga ku jira si loo miisto miisaan caalami ah iyadoo la kaashanayo mu’asasaad cusub oo fududeeyayaashan ah.”

"Waa arrin ku saabsan adeegsiga musuqmaasuqa si ay saameyn ugu yeeshaan siyaasadda - iyo siyaasadaha - dalalka kale iyo in dib loo qaabeeyo caadooyinka caalamiga ah iyo in sidoo kale ay saameyn ku yeeshaan hay'adaha caalamiga ah si loogu arko inay u adeegaan danahooda.”

Siyaasiga musuqmaasuqa ah ee lagu doortay garab uu ka helay waddan deris ah oo awood leh wuxuu u adeegsan doonaa booskiisa si uu u abuuro nidaam musuqmaasuq oo ku xididaysan dhammaan qaybaha dhaqaalaha. Si uu u gudo abaalkii ay gashadeen qolyihii doorashadiisa ku taagerayna, wuxuu siin doonaa deeq iyo faa'iidooyin aad u weyn, kuwaas oo xitaa u oggolaanaya in ay isaga jiheeyaan.

"Habaynta, fududaynta, iyo qalabaynta musuqmaasuqa si loo helo faa'iido siyaasadeed oo dibadda ka timaadda - waa muuqaal kamid ah wejiyada musuqmaasuqa casriga ah," ayay yiri Agaasime Power.

“Qaramada Midoobay waxay ku qiyaastay qiimaha uu musuqmaasuqu ugu kaco dunida soo koraysa adduun gaaraya $1.26 trillion sanad kasta, taasoo ah sagaal laab dhammaan kaalmada horumarineed ee rasmiga ah ee la bixiyo sannad kasta.”

Iyada oo ka jawaabaysa, Maraykanku uu bedelayo habka uu isticmaalo, si uu u waajaho wejiyada casriga ah ee musuqmaasuqa ayay tiri:

"Marka hore, waxaan rabnaa inaan yareyno fursadaha musuqmaasuqa ee gudaha iyo kuwa xaduudka ka gudbaba. Marka labaad, waxaan rabnaa in meesha uu musuqmaasuqu ka dhaco, aan sare u qaadno kharashkeeda si aan uga hortagno. Taasoo ay ku jirto maalgelinta shabakadaha caalamiga ah ee saxafiyiinta baarista iyo dadka u dhaqdhaqaaqa bulshada kuwaas oo gacan ka geysan kara soo bandhigida qorshayaasha qalafsan ee dalal badan. Midda saddexaad, waxaan rabnaa inaan dhiirigelinno dhaqanka suuban iyo daacadnimada, si shaqaalaha dowladda ee heer sare ah loo abaalmariyo, madaxda shirkadaha gaarka loo leeyahayna ay qaataan go’aamo horumarinaya dadaallada la dagaalanka musuq-maasuqa halkii ay uga sii dari lahaayeen.”

Jilayaasha musuqmaasuqa ayaa si joogto ah u horumariya xeeladahooda iyo hababkooda. Si aan u wadno xawaaraha, waxaan dib u habeyn ku sameyneynaa qalabkayaga si aan uga jawaabno xeeladahaasi. Waxaan ku martiqaadeynaa iskaashiga dhammaan inta ay ka go'an tahay xaqiijinta in hantida dadweynaha ay u soo baxdo danta guud.

XS
SM
MD
LG